Muxuu yahay guddiga la dhisayo ee lagu soo bandhigay shirka DF iyo maamullada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka furay shirka u dhaxeeyo dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirka ayaa la sheegay in looga hadli doono arrimo ku aadan Amniga, xiriirka dowladda iyo Maamul Goboleedyada iyo sidii arrin mideysan looga qaadan lahaa shirka dhawaan ka furmayo London.

Bilowgii shirka ayaa lagu sheegay in la dhisayo Guddiga Amaanka Qaranka oo noqonayo guddi sare oo go’aan ka qaato arrimaha amaanka.

Shirka ayaa weli si habsami leh u socdo, waxaana sidoo kale ka qeyb ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socod siin doonaa Inshaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com