Imaaraadka oo wajahaya cadaadis la xiriira xasuuqii Soomaalida Yemen (Arrin cusub oo soo korortay)

Nairobi (Caasimada Online) – Qoraal lagu daabacay bogga Hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa lagu sheegay in hay’addu ay waraaq u dirtay madaxda dawlada isku taga Imaaraatka Carabta.

Qoraalka hay’ada ayaa waxaa lagu sheegay in Imaaraadka looga fadhiyo ka jawaabida kaalinta ay ku laheyd xasuuqa dadkii Soomaalida ahaa ee lagu duqeeyay Xeebaha Yemen.

Sarah Leah Whitson oo ah Agaasimaha hay’adda Human Rights Watch ee gobolka Bariga dhexe, ayaa sheegay in sababta ay warqada ugu direen dowlada Imaaraadka ay tahay inaanu jirin itaal dhanka dowlada Somalia, balse ay iyagu yihiin kuwa doonaaya in meel lagu hubsado dhiiga dadkaasi.

Sarah Leah, waxa uu tilmaamay in warqada ay ku soctay Ra’isul wasaaraha Imaaraatka Carabta Sheekh Max’ed Bin Rashiid Al-Makhtuum, waxa uuna sheegay in ujeedka uu yahay in Imaaraadka uu cadeeyo doorkii ciidamadeedu ku lahaayeen dhacdadaas Soomaalida lagu laayay.

Sarah Leah ayaa yiri “Imaaraadka waa inay soo gudbiyaan Warbixin doorka ciiddankooda ee Duqeyntii sharci-darradda ee Isbahaysiga Sacuudiga iyo inay taageero ka geystan Baaritaanka Caalamiga ee Sharciga Dagaalka ee dhamaan Kooxah ku lugta leh Dagaalladda Yemen”

Bishii la soo dhafaay ee March 16-dii ayey Helikoptar ay leeyihiin Isbahaysiga Sacuudiga waxay weerareen dooni ay la socdeen 145 Qaxooti Soomaali meel ku dhow Dekedda magaalladda Xudeyda ee dalka Yemen.

Duqeyntaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 33 qof, iyadoo 29-kalena lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, wax yar kadib markii uu soo baxay warka hay’addaan, dowlada Imaaraatka ayaa qortay in saraakiisha ciidamada ee ku sugan Yemen ay dhacdadaas u arkaan masiibo bini’aadanimo isla markaana ay soo dhawaynayaan baaritaan kasta oo dhacdadaas lagu sameynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com