Muxuu yahay heshiiska la qariyey ee madaxweyne Farmaajo uu la galay Eritrea?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday arrimo cusub oo ku qotoma xiriirka diblomaasiyadeed ee haatan u dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea, kaas oo sii xoogeystay muddadii uu xafiiska joogay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo.

Zakariye ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga bud-dhig u ahaa xiriirkaasi, isla-markaana uu is-baray Madaxweyne Farmaajo iyo Isaias Afwerki oo ah madaxweynaha dalka Eritrea.

“Anniga markii ugu horreysay waan la tegay oo isagaa iga dalbay dowladda Eritrea inaan xiriir la sameyno oo rabay inuu tego, waana la sameynay saas ayaan ku tegnay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in wada-hadalladii u dhexeeyey labada dowladood billowgoodii lagu heshiiyey in la’si dhaafsado safaarado, balse aysan suura-gelin, wuxuuna tilmaamay in taas ay horseedday in uu humaag soo kala dhex-galo labada dowladood,.

“Markii xaga la tegay waxaa lagu heshiiyey in laba safaaradood horta la’is dhaafsado billowgiiba, illaa iyo hadda saacadaan la joogo safaaradihii lama furin macnaheed marka macnaheed waxaa weeye waxaa jira is-afgarad la’aan oo labada madaxweyne ayaa dhici karta” ayuu sii raaciyey.

Xildhibaan hore Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa soo hadal-qaaday waxa keenay in dowladdii Farmaajo ay ka hadli weysay xaaladda dhalinyarada tababarka loogu qaaday wadanka Eritrea, isaga oo la xiriiriyey saaxibtinimada xumaatay ee labada madaxweyne.

“Madaxweyne Farmaajo wax badan ayuu ka aamusay oo la rabay inuu ka hadlo xiriirkuna waa muhiim. Annigu waxaan u qaatay ayaamihii dambe oo dhan cilaaqaadka labada madaxweyne in aysan isku fiicneyn ama labada dowladood, waayo markii la tegay xagga waxaan ku garanayaa inaanu cilaaqaadku fiicneyn waa shaki,” ayuu markale yiri Zakariye.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmayo, ayada oo haatan xog buuxda laga helay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea, kadib markii uu booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo horey u ballan qaaday inuu kusoo celinayo dalka.