Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay Aqoonsiga Qaranka, isaga oo farriin toos ah u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay shacabka in ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isaga oo ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah dowlad-dhisidda, sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka.
Xamza ayaa xusay in Aqoonsiga Qaranku uusan ahayn kaar keliya, balse uu yahay astaan muujinaysa muwaaddinimada qofka, isla markaana u suurtagelinaysa inuu helo adeegyada dowladda iyo difaac sharci ah.
“Dadkaygoow, Aqoonsi-Qaran ma ahan kaar oo keliya, ee waa astaan muhiim ah oo muujinaya muwaaddinimadaada, caddayna u ah in aad tahay qof dadka laga dhex garanayo oo sugnaan iyo summad gaar ah leh difaacna ka hela Qarankiisa,” ayuu Xamza ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ay tahay tallaabo istaraatiiji ah oo looga gudbayo dhibaatooyinkii ka dhashay waraaqaha been-abuurka ah iyo suuqyada sharci darrada ah ee hore u jiray.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in qaadashada kaarkan ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka, amniga guud iyo kobaca dhaqaalaha, isaga oo muwaadiniinta ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadda qaadashada oo hadda ah mid lacag la’aan ah.
“Ma nihin dad aan magacyo lahayn, mana nihin dad aanan wejiyadooda la aqoonin ee waxaan nahay qaran qab iyo karaamo leh oo ka kooban rag iyo dumar leh magacyo, ciwaan deegaan, taariikh, leh rejo, iyo wax kasta oo uu muwaaddin leeyahay oo lagu tixgalinayo.”
Hoos ka akhriso qoraalka ra’iisul wasaaraha oo dhameystiran:
Dadkaygoow, Aqoonsi-Qaran ma ahan kaar oo keliya, ee waa astaan muhiim ah oo muujinaya muwaaddinimadaada, caddayna u ah in aad tahay qof dadka laga dhex garanayo oo sugnaan iyo summad gaar ah leh difaacna ka hela Qarankiisa.
Dadaalka dowladda ee ku aaddan hirgalinta Aqoonsiga Qaranka ee (NIRA) waa tallaabo istaraatiiji ah oo ka qeyb qaadanaysa dhismaha dowladnimo casri ah, taasi oo sahlaysa in muwaaddin kasta uu helo aqoonsi sharci ah, sugan oo la xaqiijiyey.
Sannado badan dadkeennu waxa ay noolaayeen iyaga oo aan haysan Aqoonsi Qaran oo mideysan, taasi oo halis galisay habsami u socodka nolosha bulshada, dalkana u horseedday in ay kusoo bataan dambiyada, been-abuurka waraaqaha aqoonsiga, waxa abuurmay suuqyo aan sharciyad haysan oo dhac iyo wax isdaba-marin loogu geysto dadkeenna, dalkana sumcadiisa lagu dilay.
Waxaa arrin lagu farxo ah in kaarka ay qaateen wax ka badan hal milyan oo qof kuwaas oo kala jooga gobollada dalka, iyada oo si toos ah looga heli karo wax ka badan kala bar degmooyinka Jamhuuriyadda, howshaas oo aan si weyn ugu bogaadinayo maamulka iyo shaqaalaha ee Hey’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.
Ma nihin dad aan magacyo lahayn, mana nihin dad aanan wejiyadooda la aqoonin ee waxaan nahay qaran qab iyo karaamo leh oo ka kooban rag iyo dumar leh magacyo, ciwaan deegaan, taariikh, leh rejo, iyo wax kasta oo uu muwaaddin leeyahay oo lagu tixgalinayo.
In muwaaddin kasta la siiyo Aqoonsi-Qaran waxa ay ka dhigantahay in la dhawray sharaftiisa qofnimo, in la diiwaangaliyo muwaaddin kasta ayaa iyana ka dhigan in la sugay amnigiisa.
Ololaha bixinta Kaarka Aqoonsiga waxa uu ka socdaa guud ahaan dalka si carruurteenna loogu barbaariyo kalsooni iyo waddaniyad, looguna fududeeyo diiwaangalinta iskuulaadka, dadka Soomaaliyeedna cabsi la’aan kaga shaqo doontaan shirkadaha iyo dowladdalagu, sidoo kalena si fudud u helaan adeegyada dowladda.
Tallaabadani ma ahan arrin maamul ee waa dowlad-dhis dhab ah. Maalmihii suuqa madoow laga qaadan jirey waraaqaha been abuurka waa in ay soo afjarmaan, casrigii dadka aan la aqoonin ay halista galin jireen amniga guud waa soo dhammaaday. Waxaan dooranay nidaam iyo kala dambayn waarta si aan dunida kale ula jaanqaadno.
Muwaaddin kasta waa in uu ku dedaalaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga, kana faa’iideystaa inta ay jirto fursadda lagu qaadanayo si lacag la’aan ah, maadaamaa qaadashada kaarkan ay ku xiranyihiin adeegyo badan oo asaasi ah oo dowladeed, mustaqbalkana lagu biirin doono adeegyo kale.
Kaarkan Aqoonsiga, waxa uu laf-dhabar u yahay horumarinta nidaamka amniga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, maadaama uu gacan ka gaysanayo diiwaangelin hufan iyo xog sugan, taasi oo loo diyaariyey adeeg bulsho, waanna astaan muujinaysa in dowladda ay ka go’antahay ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta sugidda amniga iyo dhismaha mustaqbal ay ku mideysan yihiin dadka Soomaaliyeed.

