29.4 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Muxuu yahay ninka ay DF ka dejisay Laascaanood ee loo gacan geliyay W/Bari?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka baarista dembiyada (CID) ayaa gacanta ku dhigay nin loo haysto inuu dil ka geystay deegaan ka tirsan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaddib howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee booliska.

War kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in eedeysanahan uu ahaa gacan-ku-dhiigle horey dil uga geystay deegaannada maamulka Waqooyi Bari, isla markaana muddo dheer ay ku raadjoogeen laamaha ammaanka kadib markii laga soo saaray waaran qabasho.

Howlgalka lagu soo qabtay ninkan ayaa ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen qorshe hawlgal oo si gaar ah loogu beegsaday eedeysanaha oo baxsad ahaa.

Hoggaanka baarista dambiyada (CID) ayaa sheegay in ninkan si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada Booliska ee maamulka Waqooyi Bari, si loogu horgeeyo maxkamadda awoodda u leh, loogana qaado dacwad ku saabsan falka dilka ah ee lagu eedeeyay.

Gacan ku dhiiglahan ayaa lagu qaaday diyaaradda, taas oo si toos u geysay Laascaanood, iyadoo halkaasi kula wareegeen saraakiisha ugu sarreeya hay’adaha ammaanka Waqooyi Bari, oo ay ka mid ahaayeen taliyaha guud ee ciidanka booliska, taliyaha ciidanka asluubta iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Sool.

Howl-galladan noocan oo kale ah ayaa waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga guud ee dalka, isla markaana lagu ciribtirayo dambiyada culus ee saameeya bulshada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta CID-da.

Dhinaca kale, Taliska booliska Waqooyi Bari ayaa soo dhaweeyay qabashada eedeysanaha, iyagoo ku tilmaamay guul amni oo muhiim ah oo ka dhalatay iskaashiga hay’adaha kala duwan ee ammaanka.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), ayaa maanta ku soo wareejiyey Ciidanka Booliska Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari eedeysane gacan-ku-dhiigle Mahad Saleebaan Caabi oo hore dil uga geystay magaalada Dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Waqooyi Bari.

Waxa sidoo kale lagu yiri: “Soo wareejintan ayaa loo arkaa guul amni oo weyn, maadaama eedeysanuhu muddo ka baxsanayay gacanta sharciga kadib dilkii ka dhacay Dharkeyn-geenyo.”

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa ugu dambeyn sheegay in qabashada eedeysanahan ay fariin cad u dirayso cid kasta oo falal dembiyeed geysata, iyagoo adkeeyay in baxsadku uusan ahayn waddo looga baxsan karo gacanta cadaaladda.

- Advertisement -

Read more

Local News