Muxuu yahay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh kadib safarkiisa Baydhaba?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Baydhaba.

Xasan Sheekh Maxamed oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamul goboleeyada ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa Madaxweynaha inuu wada-hadallo la yeesho Cabdicasiis Lafta Gareen, kadibna uu xarigga ka jaro dhismaha cusub ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Haddaba Muxuu yahay qorshaha Madaxweyne Xasan, kadib safarkiisa Baydhabo?

Sida ay ogaatay Caasimada Online Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa booqashadiisa Baydhaba, kadib u gudbi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu beri tegayo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, marka uu ka dhamaado howlaha Baydhabo

Qaban qaabo ku aadan safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaas, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada, gaar ahaan kuwa Gorgor oo bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee deeganka.

Xog badan lagama helin ujeedka safarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, balse waxay booqashadiisa u muuqataaa mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii adkeyd 15-kii bishaan May ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.