Muxuu yahay qorshaha rasmiga ah ee boqor Salmaan uu u aaday magaalada Moscow?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ruushka iyo Sacuudiga ayaa gaaray heshiisyo dhowr oo wax ku ool ah. Boqor Salmaan ayaa booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah hadda ku jooga Moscow.

Wararka qaar waxay sheegayaan in ay wada saxiixan doonaan heshiis dhanka hubka oo ku kacaya dhaqaale gaaraya $3 bilyan oo dollar.

Sidoo kale, heshiis dhanka tamarta ah oo lagu maal gelinayo $1 bilyan oo dollar ayey wada saxiixan doonaan madaxda labada dal.

Boqorka ayaa sheegay in labada dal ee soo saara shidaalka ugu badan caalamka ay sii wadi doonaan in ay ka wada shaqeeyaan xasilinta suuqa.

Balse, ajandaha waxaa qeyb ka ah arrimaha labada dhinac ay ku kala aragti duwan yihiin, sida dagaalka Suuriya.

Ruushka iyo Sacuudiga ayaa qeyb ka ah arrimaha dhibka sababay, waxayna kala taageeraan dhinacyada iska soo hor jeeda.

Sikastaba, Moscow waxay aad u danayneysaa in ay booqashada ka dhigto calaamad guul ah oo ay ka gaartay faragelinta ay ku hayso Bariga Dhexe, ayay tiri weriyaha BBC-da Sarah Rainsford.

Booqashada boqorka Sacuudiga iyo 1,000 ergo oo la socota, waxay qeexeysaa awoodda Ruushka ee dib boorka looga jafay, ayey hadalkeeda ku dartay.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ammaanay booqashada boqorka 81-sano jirka ah in ay tahay fursad wayn, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Ruushka.

Mr Putin wuxuu ku tilmaamay in ay jirto rajo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

“Waxaan doonaynaa in xiriirkeena wanaajino iyo daneheena amniga iyo nabadda iyo daneheena hormarka iyo dhaqaalaha,” ayuu boqor ku jawaabay, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

Labada dal ayaa leh dano ay uga wada shaqeeyaan dhowr qeybood.

Arbacadii, Mr Putin wuxuu sheegay in heshiiska caalamiga ah ee lagu yareynayo soo saarka shidaalka, si qiimaha sare loogu qaado, la gaarsiin doono illaa dhammaadka sanadka soo socdo.

Wasiirka tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegay in dalkooda uu diyaar u yahay wax kastoo suuragal ah.

Ruushka xubin kama aha hay’adda ay ku mideysan yihiin dalalka qaniga ku ah shidaalka ee OPEC, laakiin wada shaqeyn ayuu la leeyahay dalalka qaar ee xubnaha ka ah.

Heshiisyada kale waxaa ka mid ah in xarun wayn oo daawo soo saarto laga furo Sacuudiga oo lagu bixiyo $1.1 bilyan oo dollar.

Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in qalabka ka hortaga madaafiicda ee S-400 uu Ruushka geeyo Sacuudiga.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com