25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Adoo Soomaali ah maxaa saxaraha ku mariyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Markii ay meesha ka baxdey dowladii ee militariga 1991 ayaa dhalinyarada soomaaliyeed waxay bilaabeen in ay dalka ka cararaan, maadaama ay la soo gudboonaatey nabad la’aan iyo nolol xumo aad u baahsan oo ku khasabtey in dalkooda ka cararaan si ay u heleen magangeliyo.

Tahriib ayaa waxaa noqo arinta la isku sheego oo noqotey mid aad looga sheekeysto, tusaale hebel waxaa tegey yurub ama america wuxuu qoyskii uu tegey u soo diraa lacag ku filan noloshooda, isagana waxaa uu noqdey nin xilina shaqeysta xilina wax barta oo noloshiisa horumariyey, dhalinyarada soomaalida oo ah dad aad u firfircoon ayaa durbadiiba qaadaa dhigey sheekada helen.

1996 Ilaa 2016 waa wakhtigii ay tahriibtu ugu xooga badney oo dhalinyaro badan oo soomaaliyeed ay naftooda ku waayeen xeebaha Libya iyo yaman oo ay ka soo muuqdeen shaashadaha caalamka iyo warbaahinta noocyadeeda kala duwan meydad soo caariyey, kuwo badda dulsabeynaya iyo qaar nafta ku jirta oo maraakiib shisheeyey ay badbaadiyeen.

Tahriibta ma aha keliya in badda la maro AMA saxaraha lagu safro, waxaa jira rag la magacbaxay Muqalas ama is xambaar oo dadka ku tahriibiya farsamo cajiib ah, tusaal in qofka la tahriibinayo loo soo saari visa ama dal ku gal si waalidnimo ah ama xaaslenimo ah taasoo saxleysa helitaanka visaha.

Dunida casriga ayaa aad u la yaabtey qaabka dhalinta Africa gaar ahaan kuwa soomaaliyeed ay ku yimaadaan qaaradaha yurub iyo america taasoo ku kaliftey wadamo in ay aad u adkeeyan dal ku galkooda ama ay ka dhigaa system online ah taasoo qof ka doonaya visaha tahriibka ah aad ugu adag, tusaal qofka raba inuu visaha qaato waxaa waajib ku ah in laga sawiro faraha ama indhaha la weydiiyo su’aalo faro badan oo aad ugu adag qofka sida saxda ah ugu socon wadamada reer galbeedka.

Dhalinyarada soomaaliyeed maadaama ay wadanka ka cararayaan badan waxay waalidka ugu sheekeyaan in markii ay tagaan yurub ama america ay wax weyn ka bedeli doonaa noloshooda iyo tan qoys koodaba, sidaad darteed waxaa ay waalidka ku khasbaan in lacagtii ay ku tahriibi lahaayeen loo heli, tusaale in guriga reerku ugu degan yahay loo iibiyo hadii xitaa reerku hanti kale aysan laheyn ama deyn loo galo si uu u gaaro wadamada uu doonayo.

Qofka dhalinyarada ah ee tahriib doonka ah soomaaliya waxaa uga baxaa wadamada deriska ah waxaa jira shabakado caan ah oo la magacbaxay MAGEFE kuwaasoo ka shaqeeysta tahriibka dhalinyarada soomaaliyeed.

MAGEFE waxaa joogaan magaalo walba oo la sii maro laga bilaabo magaalada aad ka bilaabeysid socdaalkaaga ilaa meesha aad u socotid hadii eebe nafta kuu daayo, tusaale MAGEFAHA Xamar ama gobalada jooga waxaa uu kaa qaadaanayaa lacag dhan $1,500 Somalia ilaa Ethiopian, kadibna Ethiopia ilaa South Sudan $2,000, South Sudan ilaa Sudan$1,500, Sudan ilaa Libya $2,500, Libya ilaa Italy$4,000.

In kasoo uu aad u adag yahay safarka tahriibka ayaan waxaa barbar socda geeri, xabsi iyo dhibaatooyin kugu reebi kara uurkutaalo lama iloobaan ah oo xitaa laga yaabo in noloshaada dambe ay saameyn weyn ku yeelato.

MAGEFE waxaa uu ka ooysiiyey waalidiin badan ka dib markii la maqashiiyey caruurtooda oo la ciqaabayo ama la garaacayo si waalidka uu lacago dheeraad ah u soo diro oo aan aheyn lacagtii caadiga aheyd markii lawada joogey la isku sheegey in ay ku filan tahay safarka tahriibka oo dhan.

Dowladdaha Africa badankood ayaan waxba ka qaban karin shabakadahaa la magacbaxay MAGEFE, maadaama arintan tahriibta ay tahay dhibaato qofka tahriib doonka ah uu ku qanacsan yahay, in kasoo ay tahay musiibo weyn hadana hadana waa ay adag tahay sida loola dagaalamo ama loo ciribtiro.

Dowladda ayaa isku dayayey sidii africa looga wacyi gelin lahaa tahriibta baahsan hadana lama sheegin wadan Africa ku yaala oo ku guuleystey joojinta qulqulka tahriibta.

Dadka soomaaliyeed oo ah si aad ah fariimaha isku gaarsiin kara ayaa hada wadan wacyi gelinta ama ka hor tag joojinta tahriibta howshaasi cid gaar ah uma xilsaarna lakin waalidiin badan ayaa ka hadla had iyo jeer warbaahinta la iska arko ama la iska maqlo.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa badanaaba aan xil weyn iska saarin ka hortaga tahriibta ama ka wacyi gelinta tahriibta dhalinyarada soomaaliyeed, inkasoo ay aad u wanaagsanaan laheyd shaqo loo sameeyo dhalinyarada soomaaliyeed oo ay qeyb qaataan dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay

Fiiro Gaar ah:- TAHRIIBTA WAA QASAARE IYO GEERI WADA SOCDA, DHALINYARO KA DIGTOONAADA TAHRIIBTA.

Qoraha maqaalka
Maxamed Cabdullaahi Axmed

- Advertisement -

Read more

Local News