27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Muxuu yahay qorshaha Ruushka ee Soomaaliya kadib tallaabadii uu qaaday?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaallada diblomaasiyadeed ee Ruushka ee qaaradda Afrika ayaa gaaray heerar cusub, iyadoo Moscow ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya — waddan istiraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Dalalka Afrika, Mikhail Bogdanov, ayaa Sabtidii booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho. Waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal. Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Bogdanov ayaa kulammo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, waxaana sidoo kale si rasmi ah u qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Intii lagu guda jiray wadatashiyada ku saabsanaa arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka — oo ay ku jirto xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadihii 2025-2026 — waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la muujiyay baahida degdegga ah ee lagu ciribtirayo hanjabaadda argagixisada ee gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda Ruushka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarka lagu gaaray dhaqan-gelinta heshiiska wadatashiga ee ay labada wasaaradood kala saxiixdeen bishii May 2023, iyo qorshaha lagu xusayo sannad-guurada 65-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Soomaaliya, oo ku beegan 11-ka September.

Kulanka kadib ayaa la shaaciyey in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu casuumaad rasmi ah u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu soo gaarsiiyay Mikhail Bogdanov.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dhambaalka casumaadda inuu ka qeyb galo shirka Ruusha iyo dalalka Carabta oo dhowaan la filaayo inuu ka dhaco Moscow.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay casuumaaddaasi, isaga oo tegi doono Ruushka, si uu uga qay-galo shirka u dhexeeya labadaasi dhinac, oo looga hadlayo arriimo xasaasi ah.

Booqashada Mikhail Bogdanov ayaa Soomaaliya ku dartay liiska sii kordhaya ee dalalka Afrika ee Ruushku xiriirka la xoojinayo, iyada oo Kremlin-ku uu ballaarinayo saameyntiisa qaaradda Afrika — gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda dhaqaale, iskaashiga amniga, iyo wada-shaqeynta siyaasadeed.

Kadib kulanka, Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay Ruushka. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sare u qaaddo iskaashiga dhinacyada tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo ganacsiga.

“Waxaan si diirran u soo dhoweynaynaa Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov, booqashadiisa Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in xiriirkeenna uu sii kobco sannadaha soo socda,” ayuu yiri Mursal.

Goobta ay Soomaaliya kaga taallo marin-biyoodka muhiimka ah iyo dadaallada ay waddanku ugu jiro dib-u-dhis ka dib sannado colaado ah ayaa ka dhigaya loollan muhiim ah oo u dhexeeya dalalka doonaya saameyn ballaaran oo Afrika ah.

Xiriirka sii kordhaya ee Ruushka uu la leeyahay Soomaaliya ayaa ka tarjumaya dadaallada Moscow ee lagu dhisayo xulafo cusub oo ka jira gobollo istiraatiiji ah balse aan si weyn loo daboolin — qaab-dhaqan uu Ruushku si xowli ah uga hirgeliyay guud ahaan Afrika sannadihii la soo dhaafay.

Inkasta oo booqashada Bogdanov ay ku soo beegantay xilli Ruushku uu kor u qaadayo saameyntiisa Afrika, haddana wadahadallada la filayo inay gogol-xaar u noqdaan ka qaybgalka Ruushka ee horumarinta dhaqaalaha iyo amniga Soomaaliya.

Dhinaca Soomaaliya, xoojinta xiriirka Moscow waxa ay qeyb ka tahay dadaallada lagu kala bixinayo saaxiibada caalamiga ah, iyadoo la raadinayo maalgeshi cusub, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo iskaashi amni.

Dhanka Ruushkana, Geeska Afrika waa gobol leh muhiimad istiraatiiji ah oo la xiriirta xasilloonida gobolka, helitaanka dekedaha muhiimka ah, iyo kheyraadka dabiiciga ah — arrimo door weyn ka ciyaara ganacsiga caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News