27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Mareykanka oo lacag yaab leh kusoo rogaya muhaajiriinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa wada qorshe siinaya Madaxweyne Donald Trump awood ballaaran oo uu ku dallaci karo qaxootiga doonaya magangelyo gudaha Maraykanka kharashaad aad u culus — iyagoo soo jeediyay in ugu yaraan $1,000 laga qaado codsi kasta.

Qorshahan ayaa ka mid ah liis dheer oo ah kharashaad cusub ama kordhin lagu sameynayo lacagaha socdaalka, sida ay ka doodayaan Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiillada oo ay Jamhuurigu hoggaamiyaan, xilli xisbiga uu isku dayayo inuu sharciyeynta ku meel-mariyo ajandaha siyaasadeed ee Trump.

Sida ay muujinayaan xogaha ugu dambeeyay ee Xafiiska Tirakoobka Amniga Gudaha, ku dhawaad 54,000 oo qof oo ajaanib ah ayaa magangelyo ka helay Maraykanka sannadkii 2023.

Dalka Afghanistan — oo ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay ka yimaadeen — ayaa $1,000 u dhigmo mushaarka labo sano iyo badh. Dalka Venezuela, celcelis ahaan, waxaa saddex bilood lagu kasbadaa lacagtaas.

“Madaxweyne Trump iyo Jamhuuriga Aqalka Wakiillada waxa ka go’an inay soo celiyaan nidaamka socdaalka, xoojiyaan amniga qaranka, isla markaana xakameeyaan maamulka xad-dhaafka ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay guddiga xilli la shaacinayay qoraalka sharcigan.

Guddiga Cadaaladda — oo ka mid ah guddi-hoosaadyada dejinta miisaaniyadda Aqalka Wakiillada — ayaa diyaarinaya qaybtiisa gaarka ah oo ka mid noqonaysa hindise-sharciyeed baaxad leh oo Jamhuurigu doonayaan inay ku meel-mariyaan ajandaha Trump ee dhimista canshuuraha, xakameynta socdaalka, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka tamarta.

Qayb ka mid ah sharcigan ayaa siinaysa Trump awood dheeraad ah oo uu ugu dallaci karo lacagahaas badan dadka raadinaya magangelyo iyo codsadayaasha kale ee socdaalka, taasoo shardi looga dhigay sii joogista gudaha Maraykanka.

Xeerku wuxuu dhigaya in codsi kasta oo magangelyo laga qaado ugu yaraan $1,000 — taasoo noqonaysa markii ugu horreysay taariikhda Maraykanka ee qaxooti lagu amro inay bixiyaan kharash si ay u codsadaan magangelyo.

Waxaa sidoo kale lagu soo rogi doonaa khidmad $1,000 ah dadka heysta oggolaanshaha ku-meel-gaarka ah (parolees), $550 lixdii biloodba mar oo lagu bixinayo ruqsadda shaqada, iyo $1,500 oo lagu dalbanayo beddelka xaaladda si loo helo kaarka cagaaran (green card) hortiisa garsooraha socdaalka.

Sidoo kale, Jamhuurigu waxay doonayaan in la saaro khidmad aad u culus oo ah $8,500 qof kasta oo doonaya inuu kafaala-qaado ilmo ku jira xabsiyada dowladda federaalka — iyadoo $5,000 laga soo celinayo dhowr sano kadib oo keliya haddii ilmuhu aan lagu xukumin in la masaafuriyo sababo la xiriira maqnaansho maxkamadeed.

“Lacagtaas waxay hor istaagi doontaa inta badan dadka doonaya inay kafaala-qaadaan carruurta,” ayuu bartiisa bulshada ku qoray Aaron Reichlin-Melnick, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Golaha Socdaalka Maraykanka (American Immigration Council).

Hindise-sharciyeedkan ayaa sidoo kale soo jeedinaya in la maalgeliyo shaqaaleynta 10,000 oo wakiillo cusub oo ka tirsan Laanta Socdaalka iyo Kastamyada (ICE) iyo baarayaasha dambiyada ee ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha.

Waxaa intaas dheer, xeerku wuxuu qorsheynayaa in dhammaan dacwadaha sharciyada tartanka ganacsiga ee ay gacanta ku hayso Guddiga Ganacsiga Federaalka (FTC) lagu wareejiyo Waaxda Caddaaladda, taasoo meesha ka saaraysa awood muhiim ah oo ay leedahay hay’adda madax-bannaan.

Tallaabadan ayaa markii hore lagu soo jeediyay xeer kale oo sanadkan hore la horkeenay, waxaana si diirran u taageeray Elon Musk oo ah la-taliyaha Trump ee hagaajinta wax ku oolnimada dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News