25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Muxuu yahay qorshaha ‘xaaladda Soomaaliya’ ee Israel la damacsan tahay Gaza?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa la wareegtay dhul ballaaran oo ka mid ah Marinka Gaza—mid ka mid ah meelaha ugu dad badan adduunka—taasoo khubaradu sheegeen inay Gaza ka dhigayso meel “aan lagu noolaan karin”.

Arbacadii, Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in ciidanku uu 30% Gaza u beddelay “goobo xadka ka xiran” (buffer zones), taasoo sababtay in boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah ay barakacaan.

Agnes Levallois, oo ah bare ka tirsan Machadka Faransiiska ee Cilmi-baarista Istiraatiijiga ah, ayaa sheegtay in Israel laga yaabo inay si ula kac ah uga tagto goobahaas sidii meel cidla ah.

“Ujeeddada Israel ee Gaza waa in laga dhigo meel aan lagu noolaan karin,” ayay tiri. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Israel ay hadda maamusho wax ka badan 30% dhulka.

Khariidadaha uu shaaciyay milatariga Israel ayaa muujinaya in in ka badan 185 kiiloomitir oo laba jibbaaran—ku dhowaad kala bar Gaza—ay hadda si buuxda ugu jirto gacanta Israel.

Ciidamada Israel ayaa dhisay xayndaab amni oo ballaaran oo la socda xuduudaha Gaza ee dhanka Israel iyo Masar, si gaar ahna loogu talagalay in looga hortago tahriibka xuduudda Masar.

Sidoo kale, ciidanku wuxuu sameeyay saddex marin oo milatari—Philadelphi, Morag, iyo Netzarim—oo dhul ahaan Gaza u kala jaraya qaybo gooni-gooni ah.

Kahor weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 ee ay Xamaas ku qaaday Israel, Gaza waxay ahayd meel aad u ciriiri ah, waxaana 2.4 milyan oo qof ku noolaayeen 365 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Afhayeenka Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, Ravina Shamdasani, ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay si isa soo taraysa u adeegsanayaan amarro lagu magacaabo “ka bax, degdeg,” kuwaasoo dhab ahaantii ah barakicin qasab ah.

“Tani waxay keentay in Falastiiniyiintu lagu qasbo inay u guuraan aagag aad u ciriiri ah, halkaasoo ay si aad ah uga yar yihiin adeegyada muhiimka ah ama aanba laga helin,” ayay tiri.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 80% ka mid ah kaabayaasha rayidka Gaza ay si buuxda ama qayb ahaan u burbureen.

Ku dhowaad dhammaan dadka reer Gaza ayaa mar uun barakacay, waxaana intooda badan ay hadda ku nool yihiin iskuullo loo beddelay xerooyin, teendhooyin iyo hoyooyin kale oo ku meel gaar ah.

“Ma hayno wax qorshe dagaalka kadib ah—waxa dhici kara waa in aan la wareegno Gaza oo dhan, taasoo ka dhigan inaan dhisno maamul rayid ama nidaam ciidan,” ayuu yiri Michael Milshtein, khabiir ku takhasusay arrimaha Falastiiniyiinta, kuna sugan Jaamacadda Tel Aviv.

“Ma hubo in shacabka Israel ay si dhab ah u fahansan yihiin kharashaadka iyo saameynta qorshahan.”

Milshtein wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah meelaha la qabsaday “ay ahayd sahal in la qaato.”

“Qaybahaasi waa dhul bannaan—ciidanku si toos ah uma xukumo Falastiiniyiin halkaas ku sugan,” ayuu yiri, isagoo qiyaasay in Israel hadda ay maamusho “qiyaastii kala bar” Gaza.

Levallois, oo ah khabiir ku xeeldheer arrimaha Bariga Dhexe, waxay aaminsan tahay in Israel aysan sii ballaarin doonin xakamaynteeda, balse ay “ka tagi doonto inta hartay, iyadoo ogolaanaysa oo keliya gargaar bani’aadamnimo oo kooban.”

“Taasi waxay horseedi kartaa xaalad la mid ah midda Soomaaliya — fowdo iyo kala dambeyn la’aan, iyadoo aan jirin cid awood u leh inay maamul dhisto.”

Warbixino laga helay askar Israeliyiin ah oo magacyadooda la qariyay—oo ay ururiyeen ururka Israeli ee ka soo horjeeda duullaanka, Breaking the Silence, iyo warbaahinta caalamiga ah—ayaa sheegay in ciidamada Israel ay si qorshaysan u burburiyeen dhismayaasha rayidka ee ku yaalla aagagga ay xakameeyaan.

Bishii November, Wasiirka Maaliyadda Israel Bezalel Smotrich ayaa soo jeediyay in “nus” shacabka Gaza la dhiirrigeliyo inay dalka isaga baxaan “si ikhtiyaari ah.”

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu—oo hoggaaminaya mid ka mid ah dawladaha ugu midigta fog ee taariikhda Israel—ayaa fikraddaas taageero ka helay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Bishii Febraayo, Trump wuxuu soo jeediyay in Gaza laga dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe,” iyadoo dadka reer Gaza loo raro Urdun iyo Masar.

Dadka Israeli ah ee u ololeeya dib u celinta degmooyinkii Yuhuudda ee Gaza—kuwaasoo laga daadgureeyay 2005—ayaa sheegay inay hayaan qorshayaal la taaban karo, isla markaana ay si joogto ah u booqdaan xuduudda Gaza.

Netanyahu ilaa hadda si cad uma muujin inuu qorshayaashaas taageersan yahay.

Laakiin iyadoo aan la haynin qorshe cad oo ku aaddan xilliga dagaalka kadib, mustaqbalka Gaza wuxuu weli ku jiraa mugdi.

“Ma jirto istiraatiijiyad cad,” ayuu yiri Milshtein.

“Qorshaha kaliya waa in la taageero ama la qaato aragtida Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga saaro Gaza—taas oo aan suurtagal ahayn.”

“Dadka Israel intooda badan way garanayaan in arrintani tahay riyo been ah,” ayuu raaciyay.

“Xitaa Trump laftiisu hadda uma muuqdo mid danaynaya fikraddaas.”

- Advertisement -

Read more

Local News