Muxuu yahay qorshaha xiga ee Puntland, kadib fashilkii ku yimid shirka Afisyoone?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdullahi Cali Xirsi Timo-Cadde oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay qorshaha u degsan Puntland iyo tallaabada ay qaadeyso, kadib fashilka shirkii Afisyoone.

Timo-Cadde ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay in xal waara laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isla-markaana madaxweyne Deni uu sii joogi doono Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dib la isugu soo noqo doono, si loo sii amba-qaado wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyda.

“Waan sii joogeynaa, waana joogeynaa, waana fileynaa in dib la’isugu soo laabto, tana ma’aha mid lagu kala tegi doono,” ayuu yiri wasiir Timo-Cadde.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale intaasi ku  sii daray in Puntland ay dooneyso in la bad-baadiyo dalka, isla-markaana ay iyadu tahay cidda sameysay tanaasulka.

“Cidda tanaasul sameysaa innaga weeye cidda rabta in Soomaaliya ay badbaadiso innaga weeye labada dowlad gobaleed weeye diyaar ayaana u nahay in meel walba oo la isugu yimaada la garnaqsado,”ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey wasiir Cali Xirsi Timo-Cadde.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay u taagan tahay ilaalinta sharciga iyo ku dhaqanka dastuurka u yaalla dalka, isaga oo ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku tumaneyso shuruuda, taas oo uu tilmaamay in si weynla’isugu hayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda dhexe ay shaacisay inay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii maalmahan ka socday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, iyada eeda dhabarka u saartay hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland.