Qorshaha laga leeyahay odayaasha Jubaland ee DF ay keentay Muqdisho – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho keentay odayaashii dhaqanka Jubaland ee dhowaan la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax.

Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, oo uu ku jiro wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka billaabay kulamo loo qabanayo odayaashan oo badankood ku beel ah madaxweyne Farmaajo.

Kulan dhacay Talaadadii ayaa qoraal ay wasaaradda kasoo saartay lagu yiri “Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay  Wasiirka Wasaaradda cabashooyin  ku aaddan sida ay ku dhisantahay  Dowlad Goboleedka Jubaland.”

“Waxaa ay caddeeyeeyn in aysan  ku qanacsaneyn  guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal  ah, damaanad  qaadi  kara  Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.”

Odayaashaan oo la dejiyay hoteelo ayaa loo sheegay in ay ka qeyb geli doonaan kulamo kale oo looga tashanayo dhismaha Jubaland cusub, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah odayaasha.

Cabashada odayaasha oo ah, kuwa ay kasoo shaqeysay dowladda, ayaa qiil looga dhigi rabaa qorshaha dowladda ee ah inay maamul cusub oo kasoo horjeeda Axmed Madoobe ka dhisto gobolka Gedo, sida aan xogta ku helnay.

Kulamada socdo ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo degaanka ka soo jeeda.

Bisha August ayaa waxaa ku eg labada sano ee dowladda ay aqoonsatay Axmed Madoobe, waxaana qorshuhu yahay in ka hor maamul cusub looga dhowaaqo Gedo.