Wakiilada beesha caalamka oo u digay Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa xalay uga digay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ka tagaan magaalada Muqdisho kadib markii ay shir gaar ah kula yeesheen xarunta QM ee Xalane.

Sida aan xogta ku helnay, shirkaas ayaa looga wadahadlay sidii loo badbaadin lahaa fashilka ku yimid wada-hadalladii loogu gogol xaarayey shirweynaha wadatashiga ee xalka looga gaarayo khilaafka doorashada.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Galmudug, HirSharbelle iyo Koonfur Galbeed ay fashilkii ku yimid shirka ku eedeeyeen madaxda Jubaland iyo Puntland, iyagoo wakiillada Beesha Caalamka ka codsaday in la fasaxo si dib ay ugu laabtaan deegaanadooda..

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay inaysan ka tegi karin Muqdisho, islamarkaana garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.

Wakiillada beesha caalamka ayaa la filayaa inay sidoo kale maanta la kulmaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalku ay ku eedeysay inay fashiliyeen shirkan, in kastoo ay iska difaaceen eedahaas.

Shirkii Teendhada Afisyooni uga socday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa shalay fashilmay, waxaana xukuumaddu shaacisay in Jubaland iyo Puntland ay shirka fashiliyeen, islamarkaana ay diideen wax kasta oo xal ah.

Hase yeeshee war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Jubbaland iyo Puntland waxay ku sheegeen in aysan ka warqabin shir fashilmay, balse kaliya ay ka war hayaan in madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in latashiyo uu soo sameeyo maalmo aan la cayimin.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxay sidoo kale cadeeyeen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka iyo sii socoshada shirarka xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Ilo ku dhaw shirka dhex-maray xubnaha beesha caalamka iyo madaxda maamullada taabacsan dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamku ay culeys ku saartay madaxda seddaxda maamul goboleed in aysan shirka ka bixin, maadaama ay mar kasta u hoggaansamaan go’aanka uu qaato Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa haatan bilaawday dadaalo ay wado beesha caalamka oo lagu doonayo in shirarka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay sii socdaan, illa xal laga gaaro khillaafka doorashooyinka dalka.

Labada dhinac ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafka dhamba uu dhex yaallo ayaa hadda midba midka kale waxa uu ku eedeynayaa inuu fashiliyey wadahadalladii Afisyooni ee gogol xaarka u ahaa shirweynaha wadatashiga.