Dowladda Sudan oo DF u dirtay farriin la xiriirta lacagta cusub ee loo daabacayo

Khartoum (Caasimadda Online) – Dowladda Sudan ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya iney caddeyso go’aankeeda ku aadan lacagaha loo daabacay ee yaalla dalkaasi, oo muddo sanado ah halkaas yaalla.

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in culeys badan u arkeyso lacagaha Shilinka Soomaaliga ah oo ay daabacday iney sii hayaan, waxeyna waloocooda la wadaageen wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaga oo ka sugaya jawaab.

Warbaahinta Sudan ayaa sheegtay in dowladda Sudan ay ku hanjabtay iney ka taqalusi doonto lacagtaas, haddii aysan wax jawaab ka helin dhinaca dowladda Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa 2018-kii usoo diray Soomaaliya Wakiilka Wasaaradda Arrimaha dibada Cabdidaaim si uu fariin u soo gaarsiiyo Safaarada Sudan ee Muqdisho taas oo ku saabsaneyd in Soomaaliya ay faah-faahin ka bixiso lacagaha loogu daabacay Sudan iyo waxa laga yeelayo.

Safaarada Sudan ee Soomaaliya oo warqadaasi ka falcelisay ayaa sheegtay in wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducale Beyl uu isla xiligaas sheegay in wasaaradiisa ay qorsheenayso in meelo kale ay kasoo daabacanayan Lacagta Shilinka Soomaaliga iyadoo loo marayo ama taagero laga helayo sanduuqa lacagta aduunka iyo bankiga aduunka ayna wasaarada arrintaasi kala shaqeenayso khubaro Soomaali ah ama ajaaniib.

Wasiirka ayaa waqtigaas cadeeyay in lacagahaasi daabacadoodi ay kaga bixi doonto 41M oo dollarka Mareykanka ah.

Sidaas ay jirto xukuumada Sudan ayaa tilmaamtay inay daabacday lacagta shilinka Soomaliga kadib heshiis dhex maray xukuumada Muqdisho iyo Khartum kaa oo ku kacayay 17 milyan oo dollarka Mareykanka.

Lacagaha loo daabacay Soomaaliya ayaa wali ku xayiran xarunta shirkadda lacagta u samaysa dowladda Sudan tan iyo sanadkii 2013-kii.