28.2 C
Mogadishu
Monday, November 10, 2025

Muxuu yahay ujeedka shirka Cali Guudlaawe ka furay Jowhar? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya oo meertadan lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, bulshada rayidka, hoggaamiyeyaal maxalli ah, iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa ah madal muhiim ah oo ay ku kulmaan hey’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, ururrada maxalliga ah, iyo kuwa caalamiga ah, si ay uga wada hadlaan dardar-gelinta jawaabaha bani’aadannimo iyo qorsheyaasha looga hortagayo xaaladaha musiibooyinka ee dalka.

Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay marti sharafta, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in shirkii 9-aad ee arrimaha bani’aadanimada lagu qabto caasimada dowlad-goboleedka Soomaaliyeed HirShabell ee Jowhar

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha ka jira deegaannada HirShabelle, gaar ahaan saameynta ka dhalatay fatahaadaha, abaaraha, iyo dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in Madasha CHF ay muhiim u tahay mideynta dadaallada gurmadka iyo iskaashiga hay’adaha samafalka ee Soomaaliya.

Inta uu socdo shirweynahan ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa xaaladda bini’aadannimo ee dalka, gaar ahaan abaaraha xoogan ee dalka ka taagan iyo in la isku waafajiyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka dhow.

Si kastaba, shirka ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu mideeyo dadaallada gargaarka, laguna xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha samafalka, dowladda dhexe, iyo dowlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo in jawaabta bini’aadanimo ee dalka ay noqoto mid waafaqsan baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News