Wararkii ugu dambeeyey muranka doorashada maamulka Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan muran xooggan oo salka ku haya arrinta doorashada madaxnimo ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo u dhexeeyaya madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee u hanqal taagay inay kursiga ka qaataan.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa raba in uu fulo heshiiskii siyaasadeed ee Baydhabo, waxayna shalay ka baaqdeen safar la filayay inay tagaan magaalada Baydhabo kadib dalab uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa siyaasiyiinta markale ugu yeeray Dhuusamareeb, si wada-tashi loo yeesho, xilli halkaas uu kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Haddaba xalka khilaafkan doorasho muxuu yahay, maxaase la gudboon dhinacyada?

Prof. Liibaan Ciise oo daraasaadka sare ka dhiga Jaamacadda Muqdisho oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xalka khilaafka taagan uu yahay in la wada-hadalo, islamarkaana la isla gaaro go’aanno ay labada dhinac ogol ka yihiin.

“Waxay u baahan tahay odayaashii arrintaan galay in ay dib u galaan, oo ugu mudan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xal ayaa lagu gaari karaa ama wax alaale wixii la isku ogyahay la sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu adkeeyay in sida ugu dhaqsaha badan wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, si markale uusan gacan ka hadal uga dhicin magaalada Baydhabo oo wajahaysa xaaladdo adag oo is-biirsaday.

“Dadka waxaa u dan ah nabadda oo aysan xabad dhicin, ayada oo la ogyahay daruufta maanta magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda ka jira ee dhaqaale iyo amni, haddii loolan siyaasadeed iyo dagaal ku billowdo waa wax dhibaato u keenaya bulshada.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa aniga ila gudboon in arrintaas wada-hadal lagu dhameeyo oo wax la isla ogyahay oo heshiis lagu yahay aad loo qadariyo ayay u baahan tahay.”