Muxuu Yuusuf Garaad ka yiri muranka hareeyey April 12?

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay muranka hareeyey xuska maalinta ciidanka Xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay inay muhiim tahay in aan la siyaasadeyn arrinta ciidamada, ayna tahay muxaafad iyo mucaarad in la dhiira-geliyo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Xoogga Dalku waa Ciidan ay tahay in muxaafad iyo mucaarad la taageero lana dhiirri geliyo. Ma aha in la siyaasadeeyo kaalintiisa Difaaca Dalka Hooyo iyo sannadguuradiisa,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray siyaasiga caanka ah ee Yuusuf Garaad Cumar.

Sidoo kale wuxuu kula dardaamay Xoogga dalka inuu istaago difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay laaliyaan mas’uuliyadda ka saaran amniga madaxda.

“Xoogga Dalku waa in uu dhankiisa ku sifoobaa in uu ahaado siyaasad – moog daafaca dalka iyo dadka, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta talada haya iyo kuwa raba in ay wadiiqo sharci ah u maraan in ay iyagu dalka ka taliyaan,” ayuu markale ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dood xoogan ay ka dhalatay u diyaar garowga xuska sanadkan ee 12-ka April, kadib markii lagu eedeeyey Villa Soomaaliya in ay wado qorshe kale oo ka leedahay dano siyaasadeed, sida ay shaaciyeen xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa ka jawaabay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo dalbaday in aan la siyaasadeedn xuska maalinta 12-ka April oo ah aas aaska Xoogga.