M/weyne Xasan oo qudbad ka jeediyay Shirka ka Furmay Dubai. “Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  qudbad ka jeeediyey  furitaanka shirka ka hortaga Burcad Badeed oo maanta ka furmay magaaladda  Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  ayaa  marka hore u mahad celiyey Dowladda Imaraadka Carabta oo sanad walba qabata Shirkan” Aad ayaan uga mahad-celinayaa Dowladda Imaraadka Shirkan iyo fahamka Qatarta Burcad Badeeda.

“ Dowladda Soomaaliya  diyaar ayey u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan geliyo  muhiimadaha gaarka ah sida, Ammaanka, Cadaaladda, hagaajinta maamulka Maaliyadda, Dowladd-wanaaga iyo  kuwa kalaba” ayuu yiri Madaxweynaha.

Shirkan oo sigaar ah looga hadlayo sanadkan Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha  awood ka hortagta, ayaa  Madaxweynahu ka sheegay in xalka Burcad badeeda  yahay xoojinta iyo taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana shirka ka qeyb galay madax ka socota wadamada daneeya  arrimaha Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Isutaga Imaaraadka carabta  Sheekh Abdullah Bin Sayed, waxa uuna kala hadlay xiirirka labadda dalka.

burrburbur1bur2bur3