26.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Maxaa ka jira in Naasir Cigge uu la shaqeeyo R/W Xamza?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay arrinta ku aadan shaqsiga lagu magacaabo Naasir Cigge oo maalmihii u dambeeyay qabsaday baraha bulshada, kaas oo la sheegay inuu la shaqeeyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa caddeeyay in ninkan aanu la shaqeyn Ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena usan ka tirsaneyn gabi ahaan xafiiskooda.

Qoraalka ayaa ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed loogu caddeeyay in Naasir Cigge aanu hayn wax xil dowladeed ah, taas oo meesha ka saareysa wararkii horay loo baahiyay.

“WARGELIN; Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu cid kasta oo ay khuseyso ku wargalinayaa in shakhsiga magaciisa yahay Naasir Cigge (Nasir Ige ) oo sawirkiisa halkan ka muuqdo uusan wax xil ah ka haynin, kana shaqayn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo hey’ad kale oo dowladeed”. ayaa lagu yiri qoraalka.

Ninkan ayaa horay usoo noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, waxaana xilkaas laga qaaday 23-kii December ee 2023.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka fal-celiyay tallaabada uu ninkan ka qaaday xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Xuseen Hadase: “Hadduusan horay uga tirsanayn maxaa macno  ah OO ku jira in la baahiyo. Mise waa dagaal cusub?”.

Maxamed Cabdullahi: “War ninka xariif magaal waayey suuqa yaana laga soo xirin gabdho badan buu ku shukaansadee”.

Safa Cismaan: “Acuudu bal maa u ceeb qarisaan ha idinka qaraabtee?”.

Cabdullahi Diini: “Waa tallaabo wanaagsan nin aqlaaq leh ma ahan mas’uul naago ceyrinayo lee dowladda ay ceeb ku ahayd”.

- Advertisement -

Read more

Local News