Nabad iyo Nolol: Farqiga u dhexeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed (Aqri)

Maanta oo ah 8-da Janaayo, Puntland waxaa u dhammeystirmaya doorashadii u soo bilaabatay dhawr bilood kahor.

Eebe haku dhammeeyee, waxa ay u egtahay in doorasho nabdoon ka dhici doonto halkaas, sidii awalba loogu bartay.

Hase ahaatee, bulshada Soomaaliyeed waxa ay is weydiinayaan, maxay dowladda u faragalin weysay Puntland maadama ay sidaas ku sameysay Koonfur Galbeed?

Su’aashaas waxaa looga jawaabi karaa qodobada soo socda marka la’isla eego-

1- Puntland 20 sano ayey jirtaa – Koonfur Galbeed 4 sano

2 –Puntland haykal dowladnimo oo dhammeystiran ayaa ka jira – Koonfur Galbeed xataa Madaxweyne ku xigeen ma lahayn

3 –Xuduuda Puntlad waxaa gacanta ku haya maamulkeeda –Koonfur Galbeed waxaa Baydhabo oo ay joogto ku haya Amisom

Qodobadaas iyo kuwo kale oo badan waxa ay si fudud kuugu muujin doonaan in marka horeba labada maamul aan la’is barbardhigi Karin.

Arrinta Labaad –

Dowladda waxaa hubaal ah in ay hal ajande ka wada leedahay dhammaan maamulada.

Doorashadii ugu horreeysay tan iyo markii ay isku dheceen  maamulada waxa uu ku soo aaday Koonfur Galbeed, dowladda waxa ay u martay xeelad awood sheegasho weyna ku fushatay ujeedkeedii.

Puntland ayaa ku soo xigtay – iyada xoog suurtagal u noqon meyso laba qodob dartood; 1 – Iyada oo ka soo kabatay fowdo siyaasadeed oo heer mooshin Madaxweyne gaartay iiyo dhacdadii Michael Haysom ma isku furi karto dagaal kale oo muuqda, 2 – Awoodda Puntland u leedahay in ay iska caabiso.

Qodobadaas oo jira, dowladda waxa ay raacday waddo kale oo uga halis yar oo waxa ay adeegsaneysaa DHAQAALE xoog leh iyo wakiilo Garowe u fadhiya oo aan la dareemeen .

Jubbaland ayaa iyana ku xigta -!

Walow aysan caddeyn qaabka ay u wajihi doonto, hadana waxaa hubaal ah in ay faraglin doonto .

Galmudug iyo waxaa raaci doona Hirshabeelle, iyaguna kama badalnaan doonaa kuwii hore.

Hadaba, waxaan qoraaljeyga ku soo koobanayaa in dowladda ay hal hadaf ka wada leedahay dhammaan maamulada balse ay qabaab kala duwan (Different Approaches) u mareyso si ay siyaasaddeeda uga fushato.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid