Dhoobo-Daareed:-  Dhib kastaba ha jiree wax weyn baa lagaa filayaa!!

Nin laalush qaatay ha ka sugin, inuu isagoo qof madax-bannaan ah codeeyo! Waa BEEEeeeN!  Ma aha qaacida jirta!

Guddoomiyaha cusub Cabdi-Xakiim Max’ed Axmed (DHoobo Daareed) inta aan oghay labo xilli oo hore ayuu u soo tartamay xilka loo doortay, taasi macnaheeda waxaa weeye inuu geliyay dadaal dheeri ah oo uu ku mintiday siduu mar u noqon lahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Puntland, waxaana laysa weydiin karaa muxuu ku arkay?!…laakiin taas waxaan jawaabteeda kaga qancay sida ay isku raaceen dadka isaga yaqaan intooda badan inuusan ahayn nin looga baqayo inuu khatar geliyo  Puntland,  isla markaasna  muddadii dheereyd ee uu ku soo jiray golaha shacabka Puntland uu ahaa nin ku caan baxay dhaqan iyo anshax wanaagsan, waxaana in badan oo dadkaas ah ay isku raaceen inuu ka saari karo Puntland  habacsanaanta soo jiitantay ee xag  dhaqan, siyaasadeed, dhaqaale, uu  maamulka hadda xilkiisu dhammaday uga tegay , siiba musuqmaasuqa qaawan ee 5tii sano ee u dambaysay dhaqanka u noqday golahii shacabka ee Puntland.

Waxa ugu horeeya ee DHoobo-Daareed iyo golaha u hoggaaminayo  laga sugayo  waxay tahay si ay u ilaaliyaan ku dhaqanka  iyo  jirtaanka dastuurka iyo habka federalism-ka ah ee ummaddu ku heshiisay  inay soo doortaan ninka ay ka filayaan ama ay ka arkeen dhaqankiisa iyo taariikhdiisa wax-qabasho inuu u hoggaansamayo qawaaniinta  maamulka u hoggaaminayo iyo dalka Soomaaliyeed,  isla mar ahaantaasna aan ka shaqaynayn ama gacan ku siinayn dadka la dagaalamaya xeerarka iyo waxyaabaha ay ummaddu ku heshiisay, ee qorshayniya inay dumiyaan maamul goboleeddada iyo nidaamka federal-ka ah  ee  dadka Soomaaliyeed ay ku soo heshiiyeen…waxaa kaloo looga fadhiyaa,  xil-dhibaannada inay ku shaqeeyaan dareen!… Oo waxa ku meeran dhaqso ay urin karaan, u maqli karaan, una arki karaan, iayadoo wali aysan dad-weynaha soo cabana ma qaylo ka imaan…iyo caqli markiiba garta wax la dareemay, iyo kaskii ay go’aan degdeg ah uga qaadan lahaayeen dhibta  ay dareemeen iyadoo aan qaynuunka la baal marayn!…

Waxaa iyadana rajo weyn laga muujiyay  in xil-dhibaannada cusub oo tiro ku dhowaad 50 xubnood, oo ka mid ah 66ka xubnood ay  yihiin dhallin-yaro  ay ka dhab tahay inay dib u soo celiyaan ilaalinta dhaqanka suuban ee ummadda (Diinta Islaamka) iyo xeerarka ay ummaddu ku heshiisay.  Waxaa sidoo kale  soo baxaya  in xubno badan oo ka mid ah xil-dhibaannada cusub ay rumaysanyihiin in madax-weynaha ay soo dooranayaan iyo xukuumadda imaanaysa  iyo golaha shacabka isla xisaabtankooda uu ku dhisanyahay hannaanka wanaagsan ee dowladnimmada, taasina ay tahay midda dowladnimmada iyo maamulka Puntland shantii sano ee la soo dhaafay waysay. Waxaa sidoo kale ay xil-dhibaannada cusub  ee Puntland ku soo beegmeen xilli  adag  oo dowladda dhexe ee federal-ka  ay  duulaan  qaawan ay ku soo qaaday maamul-goboleeddada, taasoo sida muuqata  salka ku  haysa sababo qarsoon oo la xiriira heshiisyada  qarsoon ee  ay wada gaareen Abiy Axmed Cali iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo waana sababta qasabta in ciidammada Itoobiya ay si bareer ah maalin cad shacabkii reer Koonfur-Galbeed ugu laayeen magaallada Baydhabo si loo soo doorto Lafta-Gareen!

Xil-DHibaannadii hore

gefkii ay  ka galeen

dastuurka (Ummadda)

wax ma ka qaban doonaan?!…

SHaqooyinka ugu adag  ee hor yaala DHoobo-Daareed iyo  golaha uu guddoominayo waxay tahay inay doorashada beritoo dhacaysaa  indho furan kula socdaan, inay tartanka ka reebaan cid kasta oo murashaxiinta ka mid ah oo lagu cadeeyo inay laaluush bixinaysay! Laakiin hawsha xooggeeda iyo culayska u weyn  ee  xil-dhibaannada  dooranay  madax-weynaha Puntland saaran wuxuu  yahay  inay ka digtoonaadaan oo ay ka feejignaadaan qof kasta oo ay ku tuhmayaan inuu khatar ku yahay jiritaanka iyo maamul-goboleeddada kale! Waxaana si gaar ah fart loogu fiiqi karaa Dr. Cali Ciise Cabdi, oo isaga aan wali cadayn inuu bedelay mowqifkiisii colaaddii uu uga soo hor jeeday Puntland, isla markaasna dad badan  oo la socday dhaqdhaqaaqiisa ay sheegayaan in Dr. Cali Ciise uusan wali waxba ka bedelin taas laakiin hadda uu qorshihiisu yahay inuu gudaha u soo galo kana faa’idaysto  colaadda u dhexeysa Puntland  (Maamul-Goboleeddada) iyo dowladda dhexe ee federal-ka, wuxuuna Farmaajo iyo KHeyre ugu jiraa kaalintii uu Cabdi-Caziiz Lafta-Gareen u joogay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed.

DHanka kale,  waxaa hor yaala DHoobo-Daareed  iyo xil-dhibaannada cusub  inay dib u fiirin ku sameeyaan heshiisyada qarsoodiga ah ee lala galay shirkadaha iyo dalalka shisheeyaha ah,  gaar ahaan kii dekedda Boosaaso ee lala galay DP, shirkadda Midowga Immaaradaha Carabta, isla markaasna ah gacanta ka dambeysa heshiisyada qarsoodiga ah ee Farmaajo iyo Abiy Axmed, waxaana looga baahanyahay inay ku dhiirradaan oo si cad sugnaanshaha lahaanshaha dekedda Boosaaso ee Soomaaliya,  iyo waliba inaysan ahayn hanta uu lagula heshiin karo ama laga iibsan karo madax-weyne, ama waziir! Ama qof gaar!…maxaa qarsoon?!! Waa inay dadka Soomaaliyeed u cadeeyaan… Ee ma aha in sidii laga soo maray xil-dhibaannadii hore oo iyagoo wali malabsanaya….iyagoo wali haabhaabanay… iyagoo wali qofkii soo ag maraba qooraansanaya…! “ Waziiradaan xilkoodii bay gudan waayeen…Astaghfurullaah!…sidaas kama wadin waa waziiro fiican, oo waliba si fiican u soo shanlaystay! Maya waxaan ka wadaa…”  Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Puntland Axmed Cali Xaashi… “ Ceebi yeey wax yeeshaa?!…Ihi! ixi! Hahahah!…Ceeb waa laba af maroojis!…”  Xil-DHibaannadii hore ee Puntland.    

Doorashada beri,  waa xil aad u weyn, waana xilka mar kasta lagu eedeeyo in  xil-dhibaannadu ay dadkooda ku dulmiyeen,  dadkooda ay codkooda wakiilka ka yihiin iyagoo aan u dhiiban, hadday tahay madax-weyne dowladeed, iyo hadday tahay mid maamul-goboleed!…Beri codkiina waxaad ku go’aaminaysaan qayb weyn oo ka mid ah aayaha ummadda, dalka, iyo waliba si gaar ah ilmahaaga iyo faca dambe!…Ha ku fududaan waa  go’aan weyn oo aadan hubin inuu mar kale gacanaatada ku soo laabanayo! Hanka laydin qabo iyo waxa laydinka fili karo beri bay kala caddaan!…Waxaanse hubaa mujtamac quus  gaaray shantii sano ee la soo dhaafay rajadii u soo bidhaantay inaad tihiin!…Xil-DHibaannada Cusub ee Puntland wax weyn baa laga filayaa!

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid