Nabaddoon caan ah oo la dhaawacay

Afgooye(Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan maanta degmadaasi ay ugu geysteen dhaawac culus Nabadoon caan ka ah degmadaasi.

Kooxaha oo watay bastoolad ayaa ka koobnaa seddex ruux oo dhalinyaro ah kuwaasi oola sheegay inay nabadoonka caanka ah ku dhaawaceen suuqa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la taagnaa nabadoonka ayaa u sheegay saxaafada in nabadoonka markii la dilayay ay isla joogeen.

“Nabadoonka marka la dhaawacayay waan la tagnaa, ruuxa dhaawacay wuu iska key wareejiyay, tan koowaad daanka ayay kaga dhacday afka ayay ka baxday, tan labaadna waxay kaga dhacday xabadka”ayuu yiri ruuxaasi oo magaciisa amni dartiis loo qariyay.

“Seddex ayay ahaayeen, mid midabkiisa cad ayuu ahaa wuuna buurnaa dhaxda ayuu ku jiray kadibna iyagoo caadi ah ayay iska baxeen dadkii falka geystay” sidaasi ayuu yiri ruuxaasi.

Nabadoonka dhaawaca loo geystay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Axmed Culusow, waxaana dhaawaciisa loola soo cararay magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalka Madiina.

Lama oga sababta ka dambeysay dhaawaca Nabadoonka

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com