Xog cusub: Maxaadan ogeyn oo dalka Somalia ka dhacay todobaadki tagay

Maalintii ay ahayd bisha 26ka Juun, 2014, waxaa saldhig ku yaalla Buulo Barde oy leeyihiinda ciidamo ka socda wadanka Jibuuti, oo ka tirsan AMISOM, weeraray ciidan ka tirsan kuwa Shebaabka. Labo askari oo Jibuutiyaan ah meesha lagu dilay, meesha askartii Shebaabkana, oo labo ahaana, meesha lagu dilay. Shabakadda Hiiraan aa soo warisay in ka gadaal ciidanka Jibuuti ay howgal suubiyeen, bacdina nin dhalinyaro ah si kam ah u dileen, kana raali galiyeen, laakiin shabakadda ma sheegin diyo. Buulo Barde waxaa ku dhintay 5 qof oo Soomaali ah.

Bishaan 27kiiiyo iyo 28kii wadanka wuxuu ahaa nabad. Ma jirin warar tawaatur ah oo sheegaaya wax dhibaato ah.

Bishaan 29keedii waxaa dabka, oo ah isgoys ku yaala wadada Maka Al-Mukaramah, wadada ugu wayn ay Dowladu isticmaasho amintan, lagu dilay labo askari taraafiko ah, amin maalin ah, sida dayniile soo warisay.

Waxaa kaloo askari lagu dilay Suuqa Xoolaha isla maalintaan.

Ilaa shan askari oo labo Jibuutiyaan yihiin aa lagu dilay, ilaa amintaan. Meesha Shebaab laga dilay labo askari oo weerar ahaa. Guud ahaan dhimashada amintaan waa 8, 5 ka mid ah waa askarta xulafada la ah Dowladda ama ka tirsan Dowladda.

Isla maalintaan waxaa Baladwayne lagu dilay macalin wax ka dhiga Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee ku yaala Baladwayne, Hiiraan. Lama yaqaan cidda dishay. Umana badna in la ogaado. Waayo dhaqanka dabogalka Iyo ka salgaaridda wadanka kuma cago badna, khaasantan bartamaha Iyo koonfurta wadanka.

Dhimashada askarta 5, Shicib 2, 2 shebab ah.

Isniintii markay taariikhada ahayd, 30ka bisha, qarax aa ka dhacay xarunta canshuuraha ee dagmada Kaaraan, oo ku taala suuqa dhexdiisa. Waxaa ku dhintay labo qof, oo ugu yaraan mid rayid ahaa, iyo laa afar Iyo tobon qof oo iskugu jiray rayid iyo askar ka tirsan kuwa DFSna, waa ku dhaawacmeen. Xarakada Shebaabka aa sheegatay arintaan.

Dhimahada waa 11, askar 6, shicib 3, Shebab 2, dhaawaca 14.

Waxaa kaloo isla maalintaan la dilay nin ka shaqeeya wasaaradda gaadiidka, ka dib markii miino loogu xiray baabuurkiisa, dagmada Shibis.

Dhimahada waa 12, askar 6, shicib 3, Shebab 2, shaqaale dowlo 1, dhaawaca 14.

Waxaa kaloo la soo wariyay in labo oday dhaqameed lagu dilay Afgooye. Lama yaqaan cidda dishay.

Dhimashada waa 14, askar 6, shicib 5, Shebab 2, shaqaale dowlo 1.

Afar ka mid ah dhaawacaan waa ka baxeen cisbitaalka, meesha 10 kale la seexshay Kaysanay.

Talaadadii oo bisha ahayd 1da Luuliyo, 2014, waxaa afarta jardiino lagu dilay 3 askari, waxaa warkaan wariyay shabakadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, sida Ruwayteris. Waxayna sheegeen weerarkaan inuu ahaa kii afaraad, siduu Ramadaanka u bilowday.

Dhimashada waa 17, askar 9, shicib 5, Shebab 2, shaqaale dowlo 1.

Waxaa jirta in AFP ay sheegtay in askari lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyo in jidgooyo ciidan miino lagu weeraray, meeshaasna waxay sheegeen inuu askari ku dhintay. Shabakado kale warkaan ma warin. Laakiin hadduu runyahay, xisaabta waxay noqonaysaa saan: Dhimashada waa 19, askar 11, shicib 5, Shebab 2, shaqaale dowlo 1.

Dowladda oo arintaan ka hadlaysa ma arkin baaritaan ka dib, marka AFP tixgali.

Luuliyo labo, 2014 Shabakado badan waxay soo wariyeen in Xarakada Shebaabka baabuur ku gubtay meel u dhow Ceelbuur, baabuurkaasoo qaad waday, dadkii saarnaana waa dileen, labo qof, midna waa cararay.

Lama yaqaan shareecada qabta in dadka qaadka ka ganacsada la dilo, hantidoodana la gubo.

Si walba ha noqotee, xisaabta waxay noqonaysaa 21, askar 11, shicib 7, Shebab 2, shaqaale dowlo 1.

Maanta oo luliyo tahay 3, waxaa la dilay xilhibaan, mid kale waa la dhaawacay maalin cad Xamar wayne.

Xisaabta waxay noqonaysaa 22, askar 11, shicib 7, Shebab 2, shaqaale dowlo 1, xildhibaan 1. Dhaawacana 15.

Sida muuqato dhibka xoogiisa wuxuu soo gaaray, askarta, waxaa ku xigay shicibka. Dhibka xoogiisa wuxuu ka dhacay Muqdisho, waxaa ku xigay Hiiraan, bad bar waxaa dhacay Shebeelaha Hoose Iyo Galgaduud.

W/D: Samatalis Haile