Xaalad adag oo Soomaalidaku xiran KASARAANI ee Nairobi soo wajahday

Nairobi (Caasimada Online) – Seddax bil ayaa laga joogaa markii ciidamada Kenya ay howgallo ka billaabeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Howlgalladaas waxaa lagu qabqabtay Soomaali aad u fara badan waxaana qaar ka mid ah loo tarxiilay Soomaaliya kuwa kalena waxaa dib loogu celiyay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya halka kuwa kalena ay weli ku xiran yihiin xabsi ku yaalla garoonka cayaaraha ee Kasaraani.

Haddaba BBC-da ayaa nasiib u heshay in ay wareysato wiil iyo gabar ku xiran xabsiga Kasaraani.

Ugu horeyn waxay wareysteen Cabduqaadir Axmex Maxamed oo sheegay in muddo bil ka badan uu ku jirro xabsi ku yaalla garoonka Kasaraani ee Nairobi, isagoona intaas ku daray in uu heysto warqaddo sharci ah balse aaney jirin cid arrintaas wax uga qabaneyso.

Wuxuu sheegay oo kale ayadoo lagu gudajirro bisha Ramadaan in aysan helin cunto iyo biyo nadiif.

Xaawo Cabdi oo ah gabar ka mid ah gabdhaha ku xiran xabsiga Kasaraani ayaa sheegtay in muddo ka badan labo bil ay ku jirto garoonka Kasaraani, waxaana ay sheegtay in la qabtay ayadoo rabtay in ay aado xeryaha qoxootiga Kenya.

Gabadhan ayaa sheegtay intii ay ku xirneed xabsiga in loo geystay jirdil iyo dhibaateen kale kuwaasoo ay kula kaceyn ciidamada ammaanka Kenya.

Waxaa la weydiiyay in ay la xiriireen safaaradda Soomaalida ee Kenya waxay gabadha iyo wiilka ay sheegeen in ilaa hadda xaaladooda aaney waxbo laga qaban.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com