Sacuudiga oo xabistay guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida & Ku xigeenkiisa

Riyadh (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Sacuudiga iyo ku xigeenkiisa ayaa muddo 7-bil waxay u xiran yihiin dowladda Sacuudiga.

Isagoo u warramayay Idaacad ku taalla Muqdisho ayuu sheegay guddoomiyaha in aaney garaneynin wax yaabaha loo heesto ee loo xiray wuxuuna intaas ku daray in ay dhibaato ku heysato xabsiga ay ku xiran yihiin.

“Ilaa hadda wax yaabaha naloo heysto ma naqaano, anniga iyo ku xigeenka cid na ogna ma jirto oo muddo toddobo bil ayaan xabsi ku jirnaa, dowladda Sacuudiga waxay na lee dahay maxaad Soomaaliya u tagteen 2011-kii oo aad u geesan 25kun dollar lacagtaasna waxay ahayd mid lagu caawinaayo dadka” ayuu yiri guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Sacuudiga.

Wuxuu sheegay in lacagtaas ay ka soo aruuriyeen jaaliyadda Soomaalida ee ku nool boqortooyada Sacuudiga isla markaana loo geeyay dadkii ay ku dhufutay abaartii ka dilaacday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya sannadkii 2011-kii.

Mar la weydiiyay in xarigooda ay u sheegeen safaaradda Soomaalida ku taalla Riyadh wuxuu sheegay in dhowr mar ay la hadleen loona sheegay xaalada ay ku sugan yihiin balse ilaa hadda wax jawaab ah aaney ka helin sidda uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, dowladda Sacuudiga ilaa hadda kama hadlin sababta ay u xirytay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas iyo ku xigeenkiisa oo muddo 7 bil xabsi ku jirra.

Dalka Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka ay ku nool yihiin Soomaalida ka hayaantay dalkooda wixii ka dambeeyay burburkii dalka sannadkii 1991-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com