Maxkamad go’aan kasoo gaartay kiiskii ganacsatada ISLII vs Dowladda Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ilaa 500 oo ganacsatada xaafadda Islii ah ayaa ku guul dareystay inay joojiyan go’aankii uu soo jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku uu ku amray in qaxootiga jooga Kenya ay dib ugu laabtaan xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.

Ganacsatada ayaa hadalka dood ka keenay waxaana ay maxkamadda sare ee dalka horgeeyan dacwad ay ku diidan-yihiin qaxootiga in dib xeryaha loogu celiyo, balse waxaa ay maxkmaddu taageertay hadalka wasiirka waxaana ay ogalaatay in dib loo celiyo qaxootiga.

Hadal uu jeediyey garsooraha maxkamadda sare ee Kenya, David Majanja ayaa waxaa uu ku sheegay inay ku fashilmeen ganacsatadan inay muujiyaan in amarku uu xuquuqdooda xadgudb ku yahay oo dhibaato u keenayo ganacsiyadooda.

“Waxaan idin sheegaya inuu go’aanku yahay in maxkadu ogalaatay,waxaana amarku ku aaddanaa qaxootiga deggen xeryaha oo ay waajib ku tahay in ay u hoggaansamaan sharciyada lagu maamulo xeryahaas. Hadalkana kuma jiro wax cadaadis ah, wuxuu haystaa awood uu meelaha qaar uga dhigi karay xeryo qaxooti” ayuu yiri garsooraha maxkamadda sare ee Kenya Githu Muigai.

Sidoo kale, xukunka maxkamadda ayaa u oggolaanaya wakiilka hay’adda arrimaha Qaxootiga Kenya, Harun Komen iyo xeer ilaaliyaha guud, Githu Muigai inay fuliyaan amarka oo ay ganacsatada ka saaraan halka ay hadda deggen yihiin.

Go’aanka maxkamada waxaa uu ku soo aadaya xilli ay hay’adaha u dooda xaquuqda aadana ay ku dhaliilen dowladda Kenya tallaabada ay xeryah augu celinayso qaxootiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com