DF Soomalaiya oo beenisay war kasoo baxay dowladda Sucuudiga oo ah in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay haddii la loojiyo Geelle loo dhoofiyo Sacuudiga in dhaqaalaha Soomaaliya uu soo wajahi doono dhibaato hor leh.

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo dhirta iyo daakha xukuumadda Soomaaliya, Saalimow Caliyow Ibrow ayaa beeniyay in Geelle Sacuudiga loo dhoofiyo uu qabo cudurka Meeriska oo dad badan ku dilay Sacuudiga.

Wasiirka ayaa sheegay in haddii Geelle laga dhoofiyo Soomaaliya uu qabo cudurka Meeris in la arki lahaa dad badan oo Soomaali ah oo u geeriyooday balse ilaaa hadda ma jirto qof u dhintay gudaha Soomaaliya ayuu yiri.

Wasiirka oo la hadlay VOA-da ayaa la weydiiyay in ay xiriir la sameeyeen dowladda Sacuudiga wuxuu sheegay in wax xiriir ah aanu la sameen maadama iyagana aanu xiriir la sameen balse arrintooda waa Tuhun uun ayuu yiri.

Wasiir Saalim Caliyow Ibrow ayaa sheegay in Geelle Soomaaliya ay u dhoofiso waddamada Carabta in uu ka fiican yahay Geelle kale ee laga keeno waddamada kale.

Wuxuu sheegay in Geelle Soomaaliya marka laga hadlo dhadhanka uu ka macaan yahay Geelle kale, waa marka labaad marka lagaliyo hilibkiisa Qaboojiye waa uu ka adkeesi badan yahay oo muddo badan ayuu ku jiri karaa” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa tilmaamay arrimahaas oo dhan oo jirra in loo maleenaayo arrintan mid ganacsi oo lagu doonayo in lagu joojiyo Geelle laga keeno Soomaaliya.

Dhowr jeer oo horre ayuu Sacuudiga sheegay in Geelle laga keeno Soomaaliya uu qabo cuduro balse ilaa hadda cid xaqiijisay malahan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com