Xildhibaan COONKA oo bixiyey xog ku saabsan qaabkii loo soo weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Coonka oo maanta ka badbaaday isku day dil balse weerarkaas uu ku dhintay Xildhibaan Maxamed Maxammuud Xeyd ayaa ka warbixiyay sidda uu u dhacay weerarkaas.

Isagoo u warramayay Idaacadda VOA-da ayuu sheegay in weerarka uu dhacay xilli ay rabeen in ay soo aadan xarunta baarlamaanka halkaasoo uu maanta ka dhici lahaa kulan.

Wuxuu sheegay markii ay ka soo baxeen Hotelkii ay daganaayeen mar ay ku soo dhow yihiin meel ku dhow Bangigii hore in baabuur nooca loo yaqaano Rooneedka uu isku gooyay baabuurkii ay la socdeen isla markiina ay billaabatay rasaas taasoo isla markiiba ku dhacday xildhibaan Xeyd iyo askariga kaliye ee ay wateen.

“Gaariga ay la socdeen kooxda na weerartay waxaa uu iska dhigay in uu na basaayo markii dambe ayuu nagu u maleenaayay kaddibna wuxuu billaabay rasaas waxaana markiiba rasaas ku furay askarigeenii oo bartilmaameed ahaa isla markiiba isaga ayaa dhintay iyo xildhibaan Xeyd” ayuu yiri Xildhibaan Coonka.

Xildhibaanka ayaa la weydiiyay in ka hor inta uusan weerarka dhicin in ay qabeen wax digniin ah, wuxuu sheegay in si caaddi ah ay saakay ka soo baxeen.

“Waxa dhan hal daqiiqo ayey ku dhaceyn, xildhibaanka isagoo dhaawac ayaan wadnay waxaana markii aan gaarnay Tiyaatarka wuu dhintay xildhibaanka askarigana markii aan soo gaarnay irida hore ee madaxtooyda ayuu ku dhintay waxaa kaloo dhaawac uu soo gaaray wiil ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka anniga wax dhaawac ah ima soo gaarin oo aan ka ahayn in ay ku soo dhaceen muraayadaha gaariga” ayuu yiri Coonka.

Xildhibaan Coonka ayaa sheegay in marka loo eego sidda ay maanta wax u dhaceen in ay muujineyso in ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka baxay.

Xildhibaan Coonka waa markii labaad oo uu ka badbaado dil hadda ka hor waxaa lagu weerarray isaga iyo xildhibaanno kale baarbuur uu watay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com