XILDHIBAAN LAGU DILAY MUQDISHO !!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu toogtay labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada oo mid ah geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Maxamed Maxamuud Xayd  waxaa kaloo dhaawacmay Cabdullaahi Axmed Coonka.

Sidda ay lee yihiin dad goobjoogayaal labada xildhibaan ayaa lagu rasaaseeyay gaari ay wateen iyagoo marayay degmada Xamarweyne, mana jirin wax ilaalo ah oo ay wateen.

Xildhibaanka dhaawacmay ee Cabdullaahi Axmed Coonka ayaa la sheegay in uu si xun u dhaawacmay oo dhowr xabadood ayaa ku dhacay waxaana loola cararay Isbitaalka.

Kooxda dilka geestay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay labada xildhibaan ee saakay lagu toogtay Muqdisho, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in fadhigga maanta baarlamaanka uu yeelan lahaa loo baajiyay arrintaas.

Ammaanka Muqdisho oo aad loo adkeeyay ayaa weli waxaa muuqata in ay dhacayaan falalka lidka ku ah ammaanka.

Dilka xildhibaan  Maxamed Xasan Xayd  ayaa noqonaya kii saddexaad oo sanadkan gudihiisa lagu dilo magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday barnaamij loo bixiyay Nabad Ku Afur kaasoo u jeedka ay uga gun lahayd siddii ammaaanka loo adkeen lahaa inta lagu guda jirro bisha Ramadaan.

Faahin Dheeraad ah kala soco Caasimada Online in shaa allah