Sir ku saabsan shirqool Somalia loogu dhigay shirkii London oo la ogaaday

London (Caasimada Online) – Shirkii Soomaaliya loogu qabtay London 7-dii May, 2013, waxaa sida la sheegay uu ahaa shir la doonayey in kaalmo caalami ah loogu uruuriyo Soomaaliya, si dalka uu dib cagihiisa isugu taago.

Waxaa shirkaas Soomaaliya loogu ballan qaaday lacag ka badan hal bilyan oo Euro, hase yeeshee illaa iyo hadda lacagtaas lama arag, lamana siin Soomaaliya. Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta.

Waxaa hadda soo baxaya in shirkaas gebigiisbu ahaa shirqool cusub oo la doonayo in lagu boobo dhaqaalaha Soomaaliya, oo shidaalka uu ugu horreeyo. Waxaa arrintan ay daba socotaa shirqoolkii Kenya ay maleegtay oo ay dooneysay in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ay kula wareegto.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa sidoo kale qeyb ka ah shirqoolka.

Aqoonyahan Soomaaliyeed, oo arrintan u kuur galay, ayaa soo bandhigay shirqoolada cusub ee Soomaaliya loo diyaariyey.

Halkan Hoose ka daawo.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com