Warbixin: Sidee ayey u shaqeeyaan 49 safaaradood oo ku yaalla Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online)-Safaaradda Shiinaha ayaa ugu dambeesay 49 safaaradood oo waddamada caalamka ay dib uga furteen magaalada Muqdisho labadii sanno ee la soo dhaafay.

Safaaradda Shiinaha waxay ka dhigan tahay in magaalada Muqdisho ay hadda safaarado ku lee yihin ku dhawaad 50 dowladood balse waxaa in la xuso mudan siddee ayey u shaqeeyaan siddeena ayey u shaqeeyaan?.

Sidda ay lee yihiin diplomaasiyiin u warramaya Caasimada Online, safaaradahaas kontonka ku dhow waxaa shaqooda si rasmi howlahooda u sameenaya wax aan ka badnee shan safaaradood.

Inta badan safiirada waa la soo magacaabaa oo marka la aqoonsado dib uma soo laabtaan oo waxay saldhig ka dhigtaan Nairobi halkaasoo ay kala socdaan howlaha Soonka.

Shiinaha ayaa dal saaxib dhow la lahaa Soomaalida oo waxaa la lee yahay xiriirkooda wuxuu soo billowday wax yer Kaddib markii Soomaaliya ay xornimada ka qaadatay gumeetayaashii Faransiiska ee Talyaaniga.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Soomaalida aaney marnaba hilmaami doonin teerada uu siiyay Soomaaliya.

Waxaa soo badanaya waddamada doonaya in ay xiriir la sameestaan dowladda Soomaaliya waxaana dhowr toddobaad ka hor dowladda Maraykanka ay shaacisay in ay safiir u soo magacaabi doonto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxaa horrey magaalada Muqdisho safaaradahooda dib uga furtay waddamada Britain iyo Turkiga iyo siddoo kale dalal Afrikan ah iyo kuwa carab ah ayaa ka mid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid horrumar ka sameeneysa siyaasadeeda dibedda maadama ay ay soo celisay xiriirkii ay la lahayd waddamada qaar

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com