Shaqaalaha DF oo soo bandhigay arrin fadeexad ku ah madaxda sare ee DFS

Muqdisho (Caasimada Onine) – Qaar ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo saddex billood ah; iyaga oo cabasho arrintaasi la xiriirtana u gudbiyey Madaxda sare ee Dowladda.

“Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane oo Wasaaradiisu ey qaabilsan tahay mushaar siinta shaqaalaha Dowladda wuxuu isticmaalaa marka uu dibedda u duulayo diyuurad qaas ah oo kiro ah (Private jet); isaga oo Muqdisho ka soo degay 30-kii June. Dowladda Soomaaliya ayeey ceeb iyo weji gabax ku tahay in iyadoo shaqaalihii dowladda aaney wax mushaarad ah arag saddex billood, laguna jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan in dhaqaalihii dadkaasi ay ku dabooli lahaayeen baahida qoysaskooda la musuq-maasuqo ” ayuu yiri Muxuddiin C/qaadir oo ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa uu intaasi sii raaciyey in mushaaraada shaqaalaha dowladda la siiyo in ay bixiso dowladda Norway; balse lacagahaasi ey musuq-maasuqaan Madaxda Dowladda ee sare, islamarkaana shaqaalaha aanu waxba kasoo gaarin.

“Lacagta mushaaraadka loo bixiyo waa lacagtii ay dowladda Norway bixineysay, markii sidan oo kale ay dhacdo oo mushaaraadka shaqaalaha la bixin waayo, madaxda dowladdu waxey marmarsiiyo ka dhigataa arrimo degdeg ah ayaan ku qabanay; Dowladda Norway ayaa laga rabaa in ay lacagahaasi hubiyaan halka ay ku baxayaan” ayuu yiri Muxuddiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com