KENYA OO MAR KALE BAH-DISHAY DF

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdi Sataar Xasan Cali oo mar ahaan jiray xoghayihii sadexaad ee safaaradda Soomaalida Kenya ayey shalay ciidamada Booliska Kenya ka xireen hotel Liaco, oo ku yaalla magaalada Nairobi, xili uu halkaas ka afurayey.

Diblumaasigan ayaa waxaa lagu xiray xabsiga Kalamani ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay booliska su’aalo ku weydiinayan, uuna illaa iyo hadda ku sugan yahay.

Safaarada Soomaalida ee Kenya oo aan la xiriirnay ayaa arrintaas ka gaabsatay , inkasta oo ehelkiisa ay sheegeen inaysan aqoon sababta loo xiray Cabdi Sataar.

Horey waxaa Nairobi ugu xirnaa Ilyaas Yusuf Warsame oo ahaa xoghayihyi sadexaad ee safaarada, oo beddelay Cabdi Sataar, waxaana isla bilo ka hor ay Booliska Kenya xireen Siyaad oo ahaa qunsulki safarada, inkasta oo ay dib ka sii daayeen.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waayadan ahaa mid aan fiicneyn tan iyo markii Soomaalida lagu bilaabay masafurinta ama u celinta dalkooda, hase yeeshee xariga diblomaasiyiinta ayaa ah bahdilka kale oo ay dowladda Kenya ku sameeneyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com