DAGAAL beeleedkii gobolka Sh/hoose oo mar kale dib usoo cusboonaaday

Marka (Caasimada Online) – Dagaal beeleedyadii gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa mar kale shalay waxa ay dib uga soo cusboonaadeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalkaasi.

Deeganadii shalay lagu dagaalamay ayaa waxa ay kala yihiin Buushka, Keli Caafimaad NO.60 iyo inta udhaxeyso KM50 iyo Buushka.

Dagaallada ayaa dib u qarxay kadib markii maleeshiyadii laga saaray Marka e beesha Biyo-Maal ay jidka u galeen dad rayid ah oo ku heyb ah ciidanka iminka haysta Marka, taasi oo keentay in ciidamada beesha wax laga dilay ay jawaabaan.

Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in Xaalada saaka ay tahay mid degan, laakiin ay suuragal tahay in marwaliba uu halkaasi ka dhaco dagaal labada dhinac khasaro kasoo kaal gaarto.

Gaadiidka wadooyinkaasi isticmaali jiray ayaa hakad iminka kujira, waxaana ay sababta tahay in wadooyinka qaar ay fadhiyaan maleeshiyo beeleedka oo gaadiidka ay kala dagayaan dadka kadibna ay dilayaan, halka wadooyinka qaarna ay yihiin kuwa ay gooyeen Biyaha roobabkii da’ay.

Dagaal beleedka Gobalka Shabeelaha Hoose, weli xal uma aysan helin Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana lasoo warinayaa in dagaaladii shalay khasaaro dhimasho iyo dhaawac kala duwan uu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com