Ciidamada Somaliland oo sun halis ah u isticmaalay QOYSKA WASIIR hore iyo xaaskiisa oo war laga naxo shaacisay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaska wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Somaliland C/llaahi Abokor Cismaan, Marwo Sacdiya Maxamed Cali , ayaa Warbaahinta Haatuf ee Magaalada Muqdisho usheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda caafimaad ee laba ka mid ah caruurteeda oo waxyeelo caafimaad u gaysatay sunta (Gas-Mass) Taas oo ay ciidanka RRU-du gurigooda ku soo tureen wakhti ay guriga kala baxayeen ninkeeda.

Marwo Sacdiya Maxamed ayaa sheegtay in labadan caruurta ah ee u xanuunsanaya suntan gurigoodda lagu soo tuuray ay da’doodu kala tahay saddex jir iyo 8 bilood jir, waxaanay xustay in dhakhaatiirtu sheegeen inay suntaasi raacday hawo-mareenka, isla markaana aan dalka waxba lagaga qaban-karin oo ay u baahan yihiin dhakhtar dibadeed, taas oo ay xustay inaanay wakhtigan suurta-gal u ahayn maadaama oo uu odaygeediina xiran yahay iyaduna aanay haysanin cid ay kaga tagto caruurteeda kale.

Sacdiya Maxamed Cali
Sacdiya Maxamed Cali

Mar wax laga waydiiyey xaaladda odaygeedda iyo inay jiraan wax dhibaato ah oo ka soo gaaray qabashadiisa, waxay ay sheegtay in Xaaladiisa caafimaad xiligan ay wanaagsan tahay iyadoona sheegtay ineysan Jirin dhaawac soo gaaray, laakiin ninkii kale ee dhaawaca ahaa ee la xirnaa oo wali xabadii ku jirto inuu ku jiro Xabsiga oo uu dhiig u baahan yahay, waxeyna hadalkeeda intaasi kusii dartay in Ciidamada Maamulka Somaliland Diideen in dhiig lagu shubo.

Xaaska wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Somaliland C/laahi Abokor ayaa dhaleecaysay qaabkii ciidanka amnigu usoo weeraray gurgideeda iyo caafimaad daro ay sheegtay inay ka qaadeen caruurteedda hawlgaladdii ciidankaasi ku soo galeen gurigooda, kadib markii ay isticmaaleen sun.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Somaliland ayaa muddo dhawr bilood ah ku xiran xabsiga, isla markaana ilaa hadda aan la keenin maxkamadda. Sidoo kale xukuumaddu Somaliland kama hadal dhibaatadda soo gaartay caruurta ee la sheegay inay ku sumoobeen sun qiiq wadatay oo lagu tuuray guriga wakhtigii habeen bar ahaa oo la doonayey in la soo qabto C/laahi Abokor.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com