Sawirro: Qorshaha China ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogagaminaayo safiirka cusub ee dowladda Shiinaha u soo magacowday dalka Soomaaliya.

Wafdiga oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda waxaana markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyada halkaasoo ay kulamo kula yeesheen madaxda DF.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayleh ayaa maanta ka gudoomay Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian warqada magacaabistiisa , waxaana munaasabadaasi oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda goob joog ka kala ahaa agaasinka guud ee habmaamuuska qaranka iyo agaasimaha waaxda Asia ee Wasaaradda.

Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaaradda , ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo China uu ka dhaxeeyo Xiriir fog , waxa uuna yiri “dowladda China waxa ay garwaaqsatay waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya ay la soo ban-baxday labadii sano ee ugu dambeysay , waxa ayna go’aansatay inay dib u furto Safaaraddii ay ku laheyd Caasimadda Muqdisho oo la xiray bilowgii sanadkii 1991-kii oo dalka uu ka qarxay xilligaasi dagaal sokeeye”.

Mr. Wei Hongtian, waxa uu balan-qaaday inuu xoojinayo, sare u qaadi doono Xiriirka iyo Iskaashiga dowladdiisa kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed nabad,xasilooni,horumar , barwaaqo iyo nolol wanaagsan.

Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa la xiray wax yer uun Kaddib markii dagaallada sokeeye ka qarxeen magaalada Muqdisho sannadku marka uu ahaa 1991-dii.

China ayaa hadda waxa uu qorshaheedu yahay inay dib usoo celiso xiriirkeedii Soomaaliya, ayada oo la sheegay in mashaariic dib u dhis ah ay ka sameyn doonto Muqdisho, taasna ay u ballan qaaday dowladda.

Dowladda Shiinaha ayaa horeysdhistay dhismooyin caan ah oo ku yaalla caasimada sidda golaha murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka qaranka, garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimada.

Shiinaha ayaa hadda xiriir dhow la yeelanaya dalalka ku yaalla geeska Afirka, isagoona doonaya in uu ka faa’ideestay shidaal la sheegay in ay ka buuxaan waddamadaas.

Sidoo kale Shiinaha ayaa lacago deymo ah siiyay dowladda soo koraya ee ku yaalla qaaradda.

Sawirrada waftiga China

????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com