XOG: Yaa lahaa diyaaraddii MUQDISHO ku wajahneyd ee soo dhacday + Video

Nairobi (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan cidda lahayd diyaarad saakay aroortii ku burburtay magaalada Nairobi.

Ugu yaraan afar qof oo uu ku jirro duuliyihii diyaaradda ayaa ka mid ah dadka ku dhintay sidda uu sheegay taliyaha ciidamada booliska Nairobi.

Haddaba yaa lahaa diyaaradda ku burburtay Nairobi?

Ilo xog ogaal ayaa noo sheegay in diyaaradda uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caddow Cali Geeseey,oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya

Caddow Cali ayaa sidoo kale ah ganacsade si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, wuxuuna lee yahay Maraakiib ganacsi iyo gaadid waaweyn oo ah kuwa xamuulka kuwaasoo isaga kala goosha dalalka bariga Afrika.

Ganacsade Caddow Cali Geeseey waxaa kaloo uu lahaa diyaarad Khaad siday oo sannadkii horre iyana ku burburtay degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Diyaaradda ayaa la sheegay in uu dhowr bil ka hor uu soo iibsaday Xildhibaan Caddow Cali Gees waana diyaaradii labaad oo uu lee yahay oo soo dhacda, 25-kii bishii August ee sannadkii horre ayey ahayd markii diyaar rakaab oo uu lee yahay ganacsade Caddow ay ku burburtay garoonka diyaaradaha Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Diyaaraddaas dadka saarnaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha gobalka Galgaduud Xuseel Cali Wehliye bale dhammaan waa ay badbaaden dadkii la socday

Diyaaradda ayaa ku burburtay dhismooyin ganacsi oo ka agdhow garoonka, waxaana la arkayay qiiq iyo uuro madow oo is qabsaday goobta ay ku burburtay.

Halkan ka daawo bur bur-ka diyaaradda


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com