TURKISH LAGU WEERARAY MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii waxay Afisyooni ku weerareen sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online in ninka la weerarray uu ka mid ahaa shaqaalaha Turkiga ee waddooyinka dhisa waxaana la weerarray xilli uu joogay xaafadda Afisyooni halkaasoo ay ka socoto dib u dhis dhinaca waddooyinka.

“Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa nin Turki ah oo ka mid ah shaqaalaha waddooyinka ku weerarray Afisyooni isagoona si dirqi ah ku baxsaday” ayuu yiri Axmed Weli oo ka mid dhallinyaro ku sugnaa goobta.

Ma cadda sababta loo weerarray muwaadinkan mana jirto cid ka hadashay

Turkiga ayaa mashaariic fara badan ka wada magaalada Muqdisho, tii oo ay jirto haddana waxay yihiin kuwa la beegsado oo la dilo waxaana ugu dambeeyay madixii shirkadda diyaaradaha Turkish Airline ee magaalada Muqdisho oo maalin cad lagu dilay waddada mashquulka badan ee KM4.

Dowladda Turkiga waa dowladda kaliya ee si dhab ah howlo mashaariic ah ka wada magaalada Muqdisho taasoo lagu horrumarinaayo dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com