Tarsan oo beeniyey arrimo la isla dhex marayey oo ahaa inuu ku biiray….

London (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa beeniyey arrimo la isla dhex marayey oo ahaa inuu ku biiray mucaaradka dowladda Soomaaliya.

Tarsan, ayaa sheegay inuusan aheyn Mucaarad, wuxuuna cadeeyay inuu taageersan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Tarsan, inuu doonayo in Soomaaliya ay yeelato Dowlad horumarsan sidaasi awgeedna uu yahay shaqsi taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka hada ka shaqeysa.

Tarsan ayaa wuxuu sheegay in qofka hadii uu noqdo Wasiir ama masuul Dowladeed macnaheeda uusan aheyn inuu sameeyo wixii isaga uu doono.

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, ayaa sheegay inuu kusoo noqonayo Magaalada Muqdisho ayna wanaagsan tahay in dalka la dhexjooga sida uu yiri.

Tarsan ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku xasuustaan waxqabad, inkastoo uu lahaa dhaliilo kala duwan.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo maalmihii dhowaa dadka qaar ay u arkeen mucaaarad, kadib hadallo ka dhan ah dowladda oo kazoo yeeray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com