C/Weli oo lagu eedeeyey in colaad uu ka hurinayo deeganada uu ka dhashay

Baladxaawo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Cabdi Weli Sheekh Axmed ku eedeeyay in ay dhibaato hor leh ka abuurtay xiisad ka taagneed magaalada Baladxaawo taasoo ahayd dagaallo dhex maray maleeshiyad kala taageersan maamulka Gedo iyo kan KMG ah ee Jubba.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in wafdiga dowladda ay u soo dirtay daminta xiisadaas in ay la safteen garab ka mid ah dhinacyada dagaallamaya.

Kaliil ayaa madaxda dowladda u sheegay in wafdiga loo soo diray Baladxaawo in ay noqdeen kuwa dhibaato uun gobalka ku soo kordhiyay ee aaney waxbo xallin sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in wafdiga yimid Baladxaawo ay noqdeen kuwa la saftay maamulka KMG ah ee Jubba isagoona intaas ku daray in maamulkaas uusan ka arrimin gobalka Gedo.

“Dhawaan waxaa la qaban doonaa shirweyne ay ka soo qeybgalayaan dadweyna deggan gobalka Gedo waxaana shirkaas garwadeen ka noqon doona dowladda oo waxaa looga arrinsan doonaa in Gedo uu ka mid noqonaayo maamulka seddaxda gobal ama lixda gobal” siddaas waxaa yiri Maxamed Cabdi Kaliil.

Guddoomiyaha gobalk Gedo ayaa carabka ku adkeeyay in dadka reer Gedo ay iyaga uun ay ka arrinsan karaan masiirkooda oo uusan jirin cid kale oo matalli kara.

Si kastaba,hadalka guddoomiyaha gobalka Gedo ayaa ku soo aadaya ayadoo dhawaan magaalada Baladxaawo shir ka dhacay oo ka qeybgaleen ergooyin ka socday dowladda Soomaaliya, maamulka KMG

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com