SAWIRRO: DIYAARAD kusoo wajahneyd MUQDISHO oo dhacday + Khasaaraha

Nairobi (Caasimada Online) – Afar qof, ayaa arrootii Arbacada maanta ah ku geeriyootay, kadib markii diyaarad xamuul ay ku dul dhacday laba dhisme oo ku yaalla xaafadda Utawala ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale laba qof oo kale oo dhulka joogay ayaa ku dhaawacmay shilka. Hal qof dhaawaciisa wuu fudadaa, hase yeeshee qof kale ayaa weli yaalla isbitaalka Mama Lucy Kibaki ee magaalada Nairobi.

Taliyaha booliiska Nairobi Benson Kibue, ayaa sheegay in shilkan diyaaradda oo ay lahayd shirkadda Skyward Airlines uu dhacayo abaare 4-tii arroonimo.

“Diyaaradda waxa ay madaxa gelisay dhismaha, afar qof oo saarnaa oo shaqaale ah ayaa ku naf waayey, waxaana raadineynaa hadidi ay jiraan kuwa kale” ayuu yiri Kibue.

Kibue, ayaa sheegay in diyaaradda oo lambarkeedu ahaa 5Y-CET ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport, ayna xamuul uusan shaacin u sidday magaalada Muqdisho.

diyaarad dhacday 3diyaarad dhacday 5diyaarad dhacday 1diyaarad dhacday 2
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com