Nabadoon Cali Dheere oo lagu dilay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay koox hubeysan ay ka geysatay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Allaha u naxariistee Nabadoon Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere) oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bistoolado ay toogteen marxuumka, xilli uu kusii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda dilka fulisay ay goobta isaga baxsatay  waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

AUN Nabadoon Cali Dheere ayaa ka mid ahaa ergadii dhowaan wax kasoo dooratay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka Beledweyne oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada ay kadib sameeyeen ciidamada ammaanka.

Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysay oo ay fuliso kooxda Al-Shabaab.