Nabadooon Yuusuf Dhoore oo lagu dilay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo koox hubeysan xalay ay ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dilka ahaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Nabadoon Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana toogashada ay ka dhacday xaafadda NBC ee degmada Hodan.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray marxuumka, balse mar dambe uu ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan ee Ex Digfeer oo la geeyey, kadib dhaawac kasoo gaaray rasaasta lagu furay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay goobta ka baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Nabadoonka la dilay ayaa ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee wax kasoo xulay ergada sanadkan ka qayb gashay doorashada xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Nabadoon Yuusuf Dhoore ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee muddada dheer ka shaqeynayay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba, dilkiisa ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.