Najmo Cabdullahi oo lagu dilay bartamaha Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay bartamaha magaalada Hargeysa lagu toogtay Najmo Cabdullahi, xilli ay ku socdaaleysay bartamaha magaaladaas oo xarun u ah Somaliland.

Najmo oo wadatay gaari nooca raaxada ah, ayaa iyadoo mareysa agagaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo isku dayey inuu baxsado, balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka agdhowaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Meydka Najmo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso magaaladaasi.

Marxuumadda ayaa aheyd gabar dhalinyaro ah, kana tirsanayd shaqaalaha wasaaradda beeraha ee xukuumadda Somaliland.

Dilkan ayaa waxaa sidoo kale si weyn uga carooday dadweynaha ku dhaqan Hargeysa, waxaana ururada bulshada rayidka ah ay Somalilan ku eedeeyeen inaysan tixgelin xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, dhacdadan ma ah mid ugub ku ah Somaliland, waxaana dhowr jeer magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi ka dhacay dilal ay geysteen askar ka tirsan Booliska Somaliland, kuwaas oo qaarkood la xiray, kuwa kalena lagu ridday xukuno adag.