Natiijada doorashada Turkey iyo lama filaanka dhacay

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa u muuqata in markii ugu horreysay ay ka dhici doonto doorasho madaxweyne oo ku-celis ah kadib markii madaxweyne Erdogan uu ka hormaray ninka la loolamaya balse ku guuldarreystay inuu helo aqlabiyadda wareegga koowaad.

Natiijada codadka oo intooda badan la tiriyey ayaa muujiyey in Erdogan oo xukunka hayey tan iyo 2003, welina aan looga adkaan in ka badan daraasiin doorasho ah oo uu galay, uu wax yar ka hoos maray 50 boqolkiiba codadka oo looga baahnaa si uu u guuleysto. 

“Waxaan si qalbiyan ah u aaminsannahay inaan sii wadi doonno inaan u adeegno shacabkeena shanta sano ee soo socota,” ayuu yiri hoggaamiyahan 69 jirka ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xisbigiisa talada haya iyo xulufadooda ay heleen aqlabiyadda cad ee baarlamanka. 

Tirinta codadka ee wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayaa muujisay in Erdogan uu helay 49.3 boqolkiiba codadka. 

Hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa kaalinta labaad ku galay 45 boqolkiiba coodadka, taasi oo ah natiijo niyadjab ah kadib markii codadka ra’yiga ee kahor doorashada ay muujiyeen inuu ka horreeyey Erdogan.

Doorashada ku-celiska, oo ah tii ugu horreysay taariikhda Turkey, ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 28-ka May. 

Kilicdaroglu oo ah 74 jir rajo beel ay ka muuqatay ayaa weriyayaasha u sheegay “Haddii qarankeenu yiraah wareeg labaad, waan ku guuleysan doonnaa wareegga labaad.”  

Waxaa hoos u dhacay qiimaha lacagta Lira ee marka loo eego Dollar-ka iyo Euro, kadib markii maal-gashtayaasha Reer Galbeedka ay ka niyadjabeen natiijada ayada oo ay u muuqato in Erdogan dib loo soo dooran doono. 

Waxaa codeeyey in ka badan 90 boqolkiiba cod-bixiyaasha diiwan-gashan, taasi oo muujineysa xamaasadda iyo xiisaha shacabka ee doorashada.

Erdogan ayaa waxaa si aad ah u taageersan muxaafidka ama dadka diinta ku adag ee Turkey, halka mucaaradka ay taageeraan dadka ku nool magaalooyinka waa weyn ama calmaaniga ah. 

Sinan Ogan, oo ah musharaxa saddexaad, ayaa helay 5 boqolkiiba codadka doorashada, waxaana hadda muhiim noqon doonta cidda uu taageero wareegga labaad ee doorashada.

Si kastaba, maadaama xisbigiisa ay ku aragti yihiin kan Erdogan, oo ay ka midaysan yihiin waddaniyadda iyo ku adkaanshaha diinta, waxay u badan tahay in codadkii uu helay ay badankood aadi doonaan Erdogan wareegga labaad. 

“Ma dhihi doonno haddii aan taageereyno musharaxan ama midkaas,” ayuu yiri Ogan. “Waxaan wada-hadal la yeelan doonnaa wakiiladooda kadibna go’aansan doonnaa.” 

Dhinaca kale, xisbiga Erdogan ee AKP iyo axsaabta xulufada la ah ayaa ku guuleystay aqlabiyadda baarlamanka, ayaga oo helay 323 ka mid ah 600 kursi ee baarlamanka, illaa hadda codadka la tiriyey.