Taliyaha cusub ee ATMIS oo soo gaaray Muqdisho iyo ballan-qaad uu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimda dalka.

Lt. Gen. Okiding ayaa waxa uu dhawaan si rasmi ah ula wareegi doona xilkan, isaga oo bedelay Lt. Gen. Diomede Ndegeya oo u dhashay Burundi oo dhameystay socdaalkiisa shaqo dabayaaqadii sanadkii hore.

Taliyaha cusub ee ATMIS ayaa waxa uu ku dhawaajiyay in muhiimadiisa ugu weyn ay tahay sidii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed (SSF) si habsami leh loogu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga, iyada oo la xoojinayo guulaha la gaaray.

“Waxa ugu muhiimsan waa in la taageero ciidamada amniga Soomaaliya si waafaqsan howlgalka ATMIS, Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 iyo 2670,” ayuu yiri Lt. Gen. Okiding.

Intaas kadib waxa uu ballan-qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo dhaqan geliyo waajibaadka howl-galka ee ah xaqiijinta habsami u wareejinta mas’uuliyadda amniga.

Taliyaha cusub ee ATMIS ayaa ah Nin aan ku cusbeyn Soomaaliya, isaga oo horey usoo noqday taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga intii u dhaxeysay November 2015 illaa January 2017.

Lt. Gen. Okiding ayaa kahor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka ATMIS waxa uu ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka ee UPDF.

Si kastaba, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanad ka hor waxa uu si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.