DF Somalia iyo Jubbaland oo shir kale ka yeeshay arrinta GEDO

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairiobi ee caasimada dalka Kenya ayaa halkaas kula kulmay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Axmed Sheekh Doodishe.

Kulankan oo daba socday wadahadal ay horay u yeesheen labadan mas’uul ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kulankooda diiradda ku saareen sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Gedo, maadaama ay mar kale xiisadda dib usoo laba kacleysay.

Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay sidii degmooyinka gobolka Gedo loo gaarsiin lahaa adeegyada ay bulshada u baahan tahay, si meesha looga saaro wada shaqeynta la’aanta.

Waxa kale oo ay madaxdu isla soo qaaday in loo baahan yahay in si wadajir loogu diyaar garoobo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada dhowaan ay dib usoo laba kacleysay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi tageen Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo dhaq dhaqaaq ka bilaabay gobolkaasi.

Jubbaland ayaa dhankeeda ka hortimid dhaq-dhaqaaqaasi, gaar ahaan in ciidamo Macawiisley ah xilligan lagu dhiso gobolka Gedo oo weli ka maqan gacanteeda.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda Gedo oo soo jiitameysay ka hor iyo kadib-ba doorashooyinkii soo dhammaaday ee 2022-kii.