Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo la bililiqeystay

Khartoum (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Sudan ayaa sheegaya in la bililiqeystay xarunta safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Khartuom.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada dalka Sudan ayaa waxaa lagu sheegay in la dhacay dhismaha safaaradda, isla-markaana loo geystay bililiqo xoogan.

Taliska ayaa ku eedeeyay in dhibaatadaas ay gaysteen ciidamo ka tirsan kuwa Gurmadka Degdega ee RSF, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gudaha u galeen dhismaha safaaradda.

Sidoo kale bayaankan ayaa lagu sheegay in xittaa sidoo kale bililqo loo gaystay xarun weyn oo ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan.

Xarunta QM ee lala bililiqeystay ayaa ah xarun ay daganaayeen Ergada Hawlgalka QM ee  Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed  ee (The United Nations Mission in the Republic of South Sudan) ee loo soo gaabiyo (UNMISS).

Waxaa sidoo kale warbixintan kasoo baxay taliska milatariga lagu sheegay in ciidamada RSF ay weerar u gaysteen Kaniisad ku taalla magaalada Umu Durmaan ee isla dalkaasi.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan bililiqada loo geystay safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan.

Xaaladda dalkan ayaa weli ah mid cakiran, kadib markii ay si lama filaan ah uga qarxeen dagaallo qaraar oo u dhexeeyo ciidanka milatariga iyo kuwa gaarka ee RSF.

Si kastaba, dagaalka labada dhinac ayaa meesha ka saaray qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.