Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray Puntland

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Warar aynu ka heleyno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo kasoo goostay Somaliland ay ku biireen Puntland, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay duleedka magaalada Ceerigaabo ee gobolkaas oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaal ayaa gelinkii Axadii waxa ay Puntlabnd kula wareegtay deegaan hoostaga magaalada Ceerigaabo oo lagu soo dhaweeyay ciidankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay ka howlgalayeen deegaanka Shimbiraale ee duleedka degmada Ceerigaabo, waxayna gabi ahaan isaga soo baxeen Somaliland.

Goobta lagu soo bandhigay ciidamadan ayaa waxaa ku sugnaaAbbaanduulaha guud ee ciidanka daraawiishta Puntland Sarreeye Guuto Xuseen Dheere, kaas oo si rasmi ah ula wareegay ciidankan iyo hubkooda.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday inay ka mid noqon doonan ciidanka Puntland, isla-markaana ay heli doonaan mushaaraadkooda iyo xuquudooda ciidan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan ciidamadaas uga goostay Puntland, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay duleedka magaalada Ceerigaabo.

Arrintan ayaa sii kicineysa xiisadda labada dhinac oo kasii dartay, tan iyo markii uu billowday dagaalka ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay ciidamo u kala goostaan labadaabn maamul oo daris ah, waana wax horay usoo jiray inay ciidamo u kala wareegaa n Somaliland iyo Puntland.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhiyay tirada ciidamada iyo madaxda kasoo goosaneysa Somaliland ee ku sugan gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana sababta lala xiriirinayaa dagaalka Laascaanood ee u dhexeeyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo.